Dooni ku soo jeeday Dekedda Boosaaso oo ku qalibantay Xeebaha Dalka Yemen

Cabirka Farta

Khamiis, October 23, 2008(HOL): Dooni Nooca Ganacsiga  ah oo ku soo jeeday Dekedda Magaalada Boosaaso ayaa ku qalinbantay inta u dhaxaysa Xeebaha Yemen iyo Somalia sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow dhow dadkii ay Doontaas u rarneyd.

Dooniddaan ayaa u soo waday Dekada Boosaaso Badeecado kala duwan oo raashin u badan, waxaana ay ka soo shiraacatay  dalka Imaaraatka carabta. Wararku waxeey intaasi ku darayaan in Dooni kale oo iyana ku sii jeeday Dekadda Muqdisho ay ku qalibantay isla xeebaha Dalka Yemen, waxaana badda ku khasaartay hanti aad u fara badan.

Doontaan ku soo jeeday Dekadda Boosaaso ayaa lagu Magacaaba Kharaj halka tan kale Magaceeda aan ilaa iyo hadda si rasmi ah loo soo xaqiijin.

Dhamaan Ganacsatada magaalada Boosaaso ayaa  ku mashquulsan arinta la xiriita guddoonka doomahaasi, iyadoon la ogayn cidda ay doontani ilaa iyo hadda u rarnayd.

Inkastoo aysan ahayn markii ugu horesay oo doonyo caynkan oo kale ah ay ku qalibmaan inta u dhaxaysa Xeebaha Yemen iyo Somalia ayaa hadana arintani waxa ay ka mid tahay shilalka ka dhaca Badda gudaheeda.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia