Khamiis, October 23, 2008(HOL): Waxaa maanta dib u bilowday howlihii Dekedda Muqdisho oo maalmihii aynu ka soo gudubnay hakad ugu jiray sabab la xiriirta gaadiidleyda Dekedda oo shaqo joojin ku dhaqaaqay.
Dib u bilaabashada howlaha Dekedda Muqdisho ayaa waxay timid kadib markii uu shalay Muqdisho shir ku dhexmaray Ra’iisal Nuur Cadde iyo Milkilayaasha Gaadiidka ka shaqeeya Dekedda Muqdisho oo ka cabanayay lacag ay ku soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisal wasaare Nuur Cadde ayaa markii uu la shiray Gaadiidleyda, isla markaana uu dhegeystay cabashadooda waxaa uu ku dhawaaqay in aan laga qaadi doonin lacagtii ay ku soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda, isagoo ugu baaqay Gaadiidleyda in ay howshooda sii wataan.
Cadceed Cusmaan Shuuriye oo hor-jooge u ah Guddiga Gaadiidleyda ka xoogsada Dekedda Muqdisho ayaa sheegay in ay si weyn u soo dhaweeyeen hadalka Ra’iisal Wasaaraha, wuxuuna ka rajeeyay in uu wax ka qaban doono lacago kale oo looga qaado qaab aan sharci ahayn.
Shaqo joojinta ay sameeyeen Gaadiidleyda Dekedda Muqdisho ayaa waxay hakad ku keentay howlo lagu dejinayay Doomo iyo Maraakiib Dekedda Muqdisho ku xiran, kuwaasi oo intii ay shaqo joojinta jirtay Dekedda ku xirnaa.
Dekedda Muqdisho oo ay hadda gacanta ku heyso Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa dib u howlgeliyay Midowgii Maxkamadaha Islaamka, kadib markii ay muddo sanado ah u xirneyd sabab la xiriirta hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho oo ku heshiin waayay in ay shaqeyso.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia