Khamiis, October 23, 2008(HOL): Waxaa lagu soo waramayaa in ay raashinka iyo biyaha ka sii dhamaanayaan shaqaalaha saaran Markabka Faina ee hubka wada ee ku af-duuban Xeebaha Dalka Soomaaliya.
Wakaaladda Wararka AP oo wareysi la yeelatay Afhayeenka Kooxda Burcad Badeedka ah ee Markabka heysata oo lagu magacaabo Sugulle Cali ayaa sheegay in ay jirto in ay raashinka iyo biyaha ka sii dhamaanayaan Markabka, hayeeshee waxaa uu sheegay haddii ay dhamaadaan xitaa inay Shaqaalaha la cuni doonaan raashinka ay iyaga la yimaadaan.
“Dadka Soomaaliyeed wax kuma cunaan qof baahan hortiisa, sidaas darteed wixii aan heysanno ayaan wada cuni doonnaa Shaqaalaha Markabka saaran”ayuu yiri Sugulle Cali oo Taleefoonka Sattelite-ka ugu waramayay Wakaaladda Wararka AP.
Sugulle oo sii hadlayay waxa uu uga digay Ciidamada NATO ee soo galay Xeebaha Soomaaliya in ay isku dayaan in ay xoog ku furtaan Markabka iyo Shaqaalaha saaran, wuxuuna sheegay in haddii ay taasi dhacdo ay dhibaato soo gaari doonto Markabka iyo Shaqaalaha saaran intaba.
Afhayeenkan u hadlay Kooxda Burcad Badeedka ah wuxuu si jees-jees ah uga jawaabay hadal ay sii daayeen dadka leh Markabka heystaan ee hubka wada, kaasi oo ahaa in loo hayo lacag dhan hal Milyan oo Doollar, taasi oo aan u dhaweyn lacag 20 Milyan Doollar ah oo ay madax furasho ahaan u dalbadeen.
“Hal Milyan oo Doollar qiimo ma lahan, waxaan ku bixinnaa habeenno aan Hotel seexanno”ayuuna yiri Sugulle Cali oo Afhayeen u ah Kooxaha Burcad Badeedka ah ee heysta Markabka Faina.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Markabkan oo la af-duubtay 25-kii September ee aynu ka soo gudubnay ayaa la sheegay in uu hub u waday Dowladda Kenya, waxaana saaran Shaqaale 20 ruux gaaraya oo u kala dhashay Dowladaha Ruushka, Ukraine iyo Latvia.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia