Wasiirka Waxbarashada TFG oo sheegay in uu ka xun yahay goobo waxbarasho oo ku xirmay Dagaallada ka dhaca Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Talaado, October 21, 2008(HOL): Wasiirka Waxbarashada Xukuumadad Federaalka Soomaliya, ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeen Avv. Caydiid C/llaahi Ilka Xanaf ayaa sheegay in uu si weyn uga xun yahay waxbarasho la’aan la soo deristay caruur badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo goobihii ay wax ka baranayeen ay ku xirmeen dagaallada ka socda magaalada Muqdisho.

Avv. Caydiid Ilka-xanaf oo sharci ahaanshaha Wasiirnimadiisa ay isku khilaafsan yihiin Baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu intaas ku daray in uusan arkin meel looga hadlayo in la xiro goobaha waxbarashada ee ku yaala magaalada Muqdisho, wuxuuna ku cel celiyay in uu arrintaas ka xun yahay.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka qeybgelayay furitaanka Dusgi loogu magac-daray Shariif Qula-teyn, kaasi oo laga furay Magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in uu wax ka qaban doono dhibaatada waxbarasho la’aaneed ee la soo deristay Caruurta Soomaaliyeed.

Hadalka uu sii daayay Wasiirka Waxbarashada ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo dagaallo ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Hodan ay ku xirmeen goobo waxbarasho oo degmadaas ku yaalay, kuwaasi oo qaar ka mid ah ardaydii wax ka baraneysay iyo weliba macallimiintooda ay dhibaato ka soo gaartay dagaalladaas, waxaana laga xusi karaa macalimiinta geeriyootay Prof. Castro oo wax ka dhigi jiray Jaamacadda Muqdisho.

Dalladda Waxbarashada Safe ayaa baaris ay sameysay waxay ku ogaatay in ku dhawaan 30 goobood oo waxbarasho ay dagaalladaas Degmada Hodan ka dhaca ku xirmeen, iyadoo xustay in goobahaas waxbarasho ay wax ka baranayeen 27,200 oo arday, kuwaasi oo haatan ku kala  firirsan magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia