Talaado, October 21, 2008(HOL): Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon ayaa cambaareeyay kooxihii ka dambeeyay dilka Samafalayaal u shaqeynayay UN-ka oo lagu dilay Dalalka Soomaaliya iyo Afghanistan.
Ban Ki-moon waxaa uu sheegay in dilkii Soomaaliya iyo Afghanistan loogu geystay seddex Samafale oo UN-ka u shaqeynayay uu ahaa mid lid ku ah Xuquuqda Aadanaha, wuxuuna tacsi u diray qoysaskii, saaxibadii iyo dadkii ay wada shaqeynayeen samafalayaashaas la dilay.
Mr. Ban Ki-moon waxaa uu ugu baaqay dhinacyada isku haya Soomaaliya iyo Afghanistan in ay xurmeeyaan dadka howlaha bani’aadannimada ku shaqada leh ee caawinaya dadka dhibaateysan.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Degmada Marka lagu dilay C/naasir Aadan Muuse oo u shaqeynayay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP iyadoo maalmo kadibna Degmada Xudur lagu dilay Inj. Mukhtaar Maxamed Xasan oo u shaqeynayay Hay’adda UNICEF.
Ugu dambeyntiina, Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sii kordhaya af-duubka iyo dilka loo geysanayo Shaqaalaha Hay’adaha Samafalka haddii ay ahaan lahaayeen Ajnabi iyo Soomaali intaba, waxayna taasi keentay in ay yaraadaan howlihii gargaarka ahaa ee ay Hay’adaha Samafalka ka wadeen gudaha Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia