Maxaad u qaban kartaa gabadhan xanuunsaneysa?

Cabirka Farta

Talaado, October 21, 2008(HOL): Falis waa gabar  oo Soomaaliyeed oo cudur uga dhacay lugta, waxay ka dhalatay qoys Somaaliyeed oo reer guuraa ah. Ka dib markii u dhacay cudurkaan ayaa waxaa dhacadey in reerkeeda ay isaga dhaqaaqeen sabab la xiriirta  reerkeeda oo reer guuraa ah aawadeed.

Xanuunkaan waxuu hayey in muddo ah, kadib markii aan booqasho ku tegay magaalada Cabuud-waaq ayaa waxaan la kulmay gabadhaan oo u baahan in wax loo qabto. Markaas ayaan waxaan goostey inaan wax u qabto oo aan keeno magaalada Nairobi ee Wadanka Kenya.
 
Gabadhaan cudurka haya ma ahan mid wax looga qaban karo Wadanka Kenya marka waxaan goostey inaan la xariiro Cabdi Muuse Maaxaay oo caawiyey caruur Soomaaliyeed. Maanta waxay sugtaa waa dhamaan umadda Soomaaliyeed inay wax la qabtaan. Waxaana ku tala jirnaa inaan Keeno North America si ay gargaar  caamifaad u hesho.
 
Waxaan ummada Soomaaliyeed ka codsanayaa inay wax naga qabtaan dhibaatada haysato gabadhaan, marna ha yaraysan waxaad ku sadaqayn katid waxaad wax ugu soo hagaajin kartaa

Caabiyo Ciise oo laga helo 612-298-1044 Minneapolis Minnesota ama Fartuun Hussein oo laga helo 612481-4623 Minneapolis Minnesota. Waxaan imin sanahay inaan wax ka badeli doono nolasha gabadhaan ama anigoo ah Halima Guled oo layga helo telephoonkan (613) 225-9096.


Hiiraan Online