Talaado, October 21, 2008(HOL): Munaasabad abaal-marino lagu Guddoonsiinayo Ciidamadii ku soo guulaystay soo furashadii markabkii Shirkadda Barwaaqo ayaa ka dhacday Dekada Magaalada Boosaaso, taasi oo uu ka qaybgalay Madaxwaynaha DGPL Maxamuud Muuse Xirsi General Cadde.
Inta badan waxaa munaasabadaasi joogay qaar ka tirsan golaha Xukuumadda ee Puntland si ay goob joog uga noqdaan Abaal-marinta la gudoonsiinayay Ciidamada Badda ee Puntland.
Madaxwaynaha DGPL Maxamuud Muuse Xirsi Cadde ayaa uga mahad celiyay Ciidamada arintaasi, waxaana uu ugu hambalyeeya shaqada ay u qabteen Shacabkooda.
55 ka mid ah ciidamada ku soo guulasatay hawlgalka lagu soo furtay Markabka Barwaaqo waxaa la gudoonsiiyay Min 1,000,000 oo Shilinka Soomaaliga ah, halka Saraakiishii Ciidamadan hagayay la gudoonsiiyay Min 16,000,000 oo Shilinka Soomaaliga ah.
Dhinaca kale Madaxwaynaha DGPL ayaa cafis u fidiyay dhalinyaro la sheegay in ay ka dagteen dooni ay af-duub ugu haysteen xeebta degmada Baar-gaal kadib markii ciidamo ka tirsan Puntland ay halkaasi aadeen si ay doonidaasi u soo furtaan.
Munaasabaddaasii oo ay ka qaybgalee in badan oo ka mid ah Golaha Xukuumadda ee Puntland ayaa ku soo dhamaatay jawi si aad u heer sareeya waxaana abaal-marinta la siiyay Ciidamada ay u noqonaysaa dhiiri-galin dhab ah si ay u sii wadaan hawlgallada looga hor-tagayo Burcad badeedka.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia