Wednesday, October 15, 2008
![]() |
|
Cabdifataax Cabdinuur iyo Michelle Obama |
Michelle Obama waxaa ay soo booqatey magaalada Rochester waxaana ay u ololeynaysey odaygeeda waxaana ay shir la qaadatay dadka taageera xisbigiisa waxaana ay kala ahadashey dadkii shirka isugu soo baxay sida ay codkooda u siiin lahaayeen Barack Obama oo ay sheegtey inuu dalka Mareykanka ka saari karo marxaldda uu maanta marayo
Michelle waxaa ay sheegtey inay ku kalsoon tahay in ninkeedu uu ku guulleysan doono doorashada dhaceysa bisha soo socota ee November waxaana ay sheegtey in Obama uu yahay nin aad ula socda waxa adduunka ka dhacaya isagoo walibana karti u leh inuu hogaanka u qabto dalweynaha Mareykanka.
Dadkii halkaasi shirka kaga qeybgaley waxaa ka mid ahaa dadweyne Soomaaliyeed oo doonayey inay dhageystaan waxyaabaha ay ka hadli doonto Michelle Obama, iyagoo sheegey inay codkooda ugu deeqi doonaan Barack Obama waxaana dadkaasi ka mid ahaa Madaxa Haayada New Faces Of America Cabdifataax Cabdinuur islamarkaana ah Abaabule Siyaasadeed (Political Organizer) oo u shaqeeyaya Haayada marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano SEIU oo isagu ka mid ah dadka ku mashquulsan abaabulka doorashada waxaana uu si gaar ah ula kulmey Michelle Obama waxaana uu u sharxay dadka Soomaalida ah ee ku nool Mareykanka isagoo sheegey in 60% ay codkooda dhiiban karaan doorashada soo socta isagoo halkaasi ka sheegey in dadka Soomaalida ah ee haysta dhalashada MAreykanka ay doonayaan in Obama haddii uu ku guuleysto doorashada uu wax ka qabto dalka Soomaaliya oo ay la dagtey dhibaatooyin ay keentay colaadda soo noqnoqonaysa.
Michelle Obama waxa ay u sheegtey
