Danjire C/kariin Laqanyo oo aan ka wareysannay arrimo dhowr ah oo ku saabsan Xaaladda Dalka Soomaaliya

Cabirka Farta

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Koofur Afrika-C/kariin Faarax Laqanyo
Arbaco, October 15, 2008(HOL): Waxaa inoo suurtagashay in aan Wareysi la yeelanno Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Koofur Afrika Ambassador C/kariin Faarax Laqanyo oo haatan howlo shaqo u jooga Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Danjiraha waxaan ka wareysannay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya, shirka  la sheegay in lagu qabanayo Kenya ee looga yeeray Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ciidamadii ka baxay Gobolka Hiiraan iyo dhibaatada lagu hayo Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Koofur Afrika, Wareysigii aan la yeelananayna waxaa uu u dhacay sidan:

HOL: Ugu horeyn Safiir waxaad ka warantaa xaaladda uu dalka Soomaaliya ku sugan yahay iyo sida uu kuugu muuqdo?.

LAQANYO: Runtii Maanta Soomaaliya waxay ka gudubtay xaaladihii qabiil la dagaali jiray qabiil kale ama xiligii  nimankii qab-qablayaasha dagaalka ay isbaarada dhigan jireen,  taasina waxay ku timid biseylka uu dadka gaaray, inkastoo ay weli caqabado jiraan oo dowladda federaalka  oo hataan Soomaaliya ka jirta ay dhexdeeda caqabado ka jiraan loona baahan yahay in ay dhexdeeda is-xaliso, waa la socotaa in Baarlamaanka iyo madaxda dowladda ay is-khilaafeen, madaxda sare qudhooda uu khilaaf soo kala dhexgalay, taasina waxay keentay habacsanaan ku wajahan waxyaabihii laga filayay in ay qabato.

HOL: Ok, marka ma is-leedahay xiligii Hoggaamiye kooxeedyada dagaalladii socday waxaa  ka badan oo ka dhibaato badan dagaallada hadda socda?.

LAQANYO: Eeg…Waxaa jira, waxba mar ayaa laga gudbaa, Soomaaliya waxay taagan tahay xili ay ka gudubtay in qabiillo dagaallamaan, waxayna u gudubtay in kooxo xagga siyaasadda isaga soo horjeeda ay dagaallamaan, marka waxaad arkeysaa in arrinta ay u gudubtay si ka sahlan sidii hore. Tusaale ahaan Waxaan qabaa haddii ay Dowladda Federaalka la imaan lahayd hoggaamin fiican, tanasulaad dhexdeeda ah, haddii ay la imaan lahayd in ay Umadda Soomaaliyeed weydiisato wixii ka dhiman waxaan qabaa in ay sidaan dhaami lahayd.

  HALKAN KA DHEGEYSO 
  WAREYSIGA
- By: Salaad Xiis

HOL: Sida hadda aad sheegeyso haddii ay Dowladda Federaalka la imaan lahayd hoggaan wanaagsan wax wanaagsan ayay qaban lahayd, marka adiga makuu muuqataa in aysan la imaanin hoggaamin wanaagsan?.

LAQANYO: Waxaa la yiri Waayeel korkiisa waa wada indho, hadana  Umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto marqaati bey ka tahay waxa ka dhacaya dalka. Dabcan ha jiraano dad kale dowladda ka soo horjeedo laakin xaqiiqda dhabta ah waxay tahay  in Dowladda Federaalka ay iyada dhexdeeda caqabad isku noqotay haddii ay tahay Baarlamaanka, haddii ay tahay Golaha Wasiirrada, haddii ay tahay Ra’iisal Wasaaraha, haddii ay tahay Madaxweynaha, haddii ay tahay Hay’adaha kale ee Dowladda, waxaana marnaba la inkiri karin in Dowladda ay iyada dhexdeeda caqabad isku noqotay, shacabkana ay caqabad ku noqotay. Aniga nafteyda oo dowladda ka tirsan waxaan qabaa dad kale oo dowladda ku jirana ay qabaan in ay arrintaas keentay habacsanaan.

HOL: Ok, Safiir adiga oo aad u mahadsan, Xiligii Dowladda Federaalka loo igmaday in ay dalka ka taliso oo shan sano ahaa, afar sano ayay gadaal marisay, hadda hal sano iyo wax ka yar ayaa u harsan ma kula tahay in ay waqtigaas yar wax ku qaban karto iyadoo afar sano oo waqti dheer ah wax ku soo qaban weysay?.

LAQANYO: Waxaa wanaagsan in xaqiiqda laga hadlo, horta Dowladda Federaalka ma ahayn mid ay shacabka soo doorteen  waxay ahayd dowlad la soo xulay oo ay IGAD iyo beesha Caalamka ay soo xuleen, waxaana laga soo xulay Hoggaamiyayaashii Dagaaalka ee hubka gacanta ugu jiray oo lagu daray Indheer-garadkii, Odayaashii Dhaqanka, Aqoonyahankii iyo Haweenkii, taana waxay ahayd meel wax laga bilaabi karo. Shan sano ayay ahayd waqtiga la siiyay, shantaas sano wixii la qaban lahaa laguma qaban, waxay ahayd in la diyaariyo dastuurkii, in dadka la tirakoobo, in doorashooyinkii la sameeyo, marka suurtagal noqon meyso in wax lagu qaban waayay afar sano lagu qabto hal sano iyo inta ka harsan waqtiga Dowladda Federaalka.

HOL: Annaga oo halkaas ka sii amba qaadeyna, hadda Kenya waxaa shir la isugu yeeray Dowladda Federaalka Madaxdeeda iyo Baarlamaanka, shirkaas waxaa soo qaban qaabiyay Urur Goboleedka IGAD, maxaad kala socotaa shirkaas?.

LAQANYO: Shirkaas waan la socdaa, waana ka warqabaa. Shirkaas wuxuu taageerayaa oo uu ayidayaa wada hadalladii Jibouti ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dibu xoreynta, Shirkaaasna sida aad ka warqabtid waxaa hoggaaminayay UN-ka, hadana IGAD ayaa ku soo biirtay oo dooneysa in ay wax ka qabato xaaladda dalka Soomaaliya, waxayna IGAD dooneysaa in ay la hadasho Baarlamaanka iyo madaxda Dowladda oo markaasna la raadiyo qaabkii la isu waafajin lahaa wada hadallada Jibouti iyo waxa ka socda Soomaaliya, taasina waxay keeneysaa in la dhameystiro wada hadallaas si loo soo af-jaro dhibaatada ka taagan Dalka Soomaaliya.

HOL: Waxaa jira warar sheegaya in shirkaas uu yahay mid wax ka bedel ku sameynaya Dowladda Federaalka, weliba waxaa jira warar kale oo sheegaya in la qorsheynayo in wax ku saabsan awood qeybsi meesha looga hadlayo, arrintaas maxaad kala socotaa?.

LAQANYO: Dowladda Federaalka waxay leedahay Baarlamaan, Baarlamaankana waa Hay’adda ugu sareysa sharciyeynta Dowladda, sida aad la socotidna wuxuu horay u go’aamiyay baarlamaanka in wada hadal lala galo dad ka soo horjeeda Dowladda, marka waxaan qabaa haddii la isugu yimaado Kenya in Caalamka ama IGAD ay noqon doonaan fududeeyayaal laakin su’aalaha aad i weydiineysid ee ah in wax la bedelayo waxaan ka leeyahay Baarlamaanka ayaa lala tashanayaa oo ay u taallaa waayo isaga ayaa ah Hay’adda ugu sareysa Dalka.

HOL: Waxaan rabaa in aan wax kaa weydiiyo arrin ku saabsan Gobolka Hiiraan. Dhawaan gobolka Hiiraan waxaa ka baxay Ciidamo Itoobiyaan ah oo  ku sugnaa xerada Jante-kuundisho ee duleedka Beledwyene, kuwaasi oo warar soo baxay ay sheegayaan in ay heshiis ku baxeen, halka ay jiraan warar kale oo sheegaya in ay Ciidamadaas iskood isaga baxeen, marka adiga maxaad arrintaas kala socotaa?.

LAQANYO: Meesha hadda aan kaala hadlayo waa Addis Ababa, xaaladda Soomaaliyana waan ka war qabnaa, waan maqlay warar badan oo sal iyo raad toona aan lahayn, laakin waxaan adiga iyo Dadka Soomaaliyeed ee na dhegeysanaya aan u sheegayaa in Ciidamadaas ay ku baxeen wada hadal dhexmaray Dowladda Federaalka  iyo Dowladda Itoobiya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta iyo Dowladda Itoobiya, hadana waxay ka bixi doonaan meelo kale oo ka mid ah Soomaaliya. Intaas marka aan uga baxo arrinta ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Gobolka Hiiraan, waxaan rabaa in aan ka hadlo dilkii xaq-darrada ahaa ee dhawaan loo geystay Guddoomiyihii Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan Alle ha u naxariistee Dacar Xirsi Xooshow, tacsi ayaan u dirayaa qoyskii iyo ehelladii uu ka geeriyooday iyo dhamaan shacabka Reer Hiiraan. Intaas kadib waxaan rabaa in aan ugu baaqo Shacabka Gobolka Hiiraan in ay iska ilaaliyaan dadka dilaya dadka bulshada indhaha u ah, ayna nabadgeliyaan dadka Soomaaliyeed ee la deriska ah iyo kuwa safarka ah ee dhexmara.

HOL: Ugu dambeyntii, Waxaan jeclahay in aan ku weydiiyo su’aal kale oo ku saabsan Dalka Koofur Afrika ee aad Safiirka ka tahay. Soomaalida dalkaas ku dhaqan waxaa loo geystaa dhibaatooyin kala duwan, waa la dilaa waa la dhacaa, arrintaas maxaa ka qabatay ilaa iyo haatan?.

LAQANYO: Sida aad ka warqabtid Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Koofur Afrika ma lahayn xiriir labada dhinac ah waayo Koofur Afrika markii ay ka xorowday Midab-takoorkii waxaa burburtay Dowladdii Soomaaliya, laakin nasiib wanaag aniga ayaa noqday Safiirkii ugu horeeyay ee ay Soomaaliya halkaas u magacawdo, inkastoo uu weli naga dhiman yahay borotakoolkii, Sidaasoo ay tahayna waa jiraa xiriirkii waan la hadalnaa Dowladda Koofur Afrika, wuxuuse waxqabad imaan karaa oo aan dhibaatada dadkaas ka hadli karnaa  marka uu xiriirka labada dal soo noqdo oo ay si rasmi ah labada Dowladood isu weydaarsadaan Safaaradaha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia