Arbaco, October 15, 2008(HOL): Waxaa maanta si wayn looga xusay gudaha Magaalada Boosaaso maalinta Faro-Dhaqashada Aduunka oo ku beegan 15 Octobar, iyadoo munaasabado maalintaasi lagu xusayo lagu qabtay meelo ka mid ah Gudaha Magaalada Boosaaso.
Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu talagalay maalinta Faro-dhaqashada Aduunka Global Hand-washing day ayaa maanta ka dhacday Dugsiga Hoose Dhexe ee Biyo kulule.
Waxaa Munaasabadaasi ka qayb galay Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiirka Waxbarashada DGPL Maxamuud Bille Dubad ,Godoomiyiha Gobolka, Duqa degmada iyo Masuuliyiin kale oo aad u fara badan.
Wasiirka waxbarashada DGPL Maxamuud Bille Dubad oo Munaasabadaasi hadallo kooban ka jeediyay ayaa ku kala dardaarmay Caruurta in ay Faro-dhaqdaan xili walba oo ay wax cunayaan.
Sidoo kale waxaaa Munaasbaddaasi ka qayb-gashay Madaxa UNICEF ee Puntland Aamino oo iyadu sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay xuska Maalinta Faro-dhaqashada oo maanta lagu qabtay Magaalada Boosaaso.
Caruurtii Maanta Manaasabaddaasi ka qaybgashay ayaa la tusay Tusaalooyin lagu barayo habka faraha loo dhaqdo ka hor inta aan Cuntada la cunin, iyadoo uu horkacayo Wasiirka Waxbarashada Puntland
Magaalada Boosaaso ayaa maanta ka mid noqotay labaatanka dal ee laga xusay maalinta Faro-dhaqashada Aduunka, waxaana xuska Maalitani soo dhaweeyay dhamaan Shacabka Magaalada Boosaaso.
Xuska Maalinta Faro-dhaqashada adduunka ayaa ku soo beegmaya xili meelo ka mid ah Puntland uu ka dilaacay Cudurka daacuun Caloolaha oo la sheegay in uu faaho, isla markaana looga hortegi karo in nadaafadda lagu dadaalo.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia