Roobab lagu diirsaday oo ka da'ay qeybo ka mid ah G/Hiiraan

Cabirka Farta
Arbaco, October 15, 2008(HOL): Inkastoo labadii sano ee la soo dadka ku dhaqan Gobalka Hiiraan ahaayeen kuwo ay soo food saareen Abaaro iyo Jiilaal adag oo ka dhashay Roob yaraan saameysay deegaannadii ay ku noolaayeen ayaa waxaa muuqaneysa in hada rajadu tahay mid soo hagaageysa kadib markii Roobab dadku si wanaagsan ugu diirsaday ka curteen qeybo badan oo ka mid ah Gobalka.
 
Labadii Cishao ee la soo dhaafay ayaa lagu soo warmayaa in dhulka Baadiyaha sare ah uu ka da'ay Roob buuxiyay Baaragihii dadka reer Miiga ah iyo Xoolaha intaba ka cabijireen halka meelaha qaarna wararku sheegayaan in laga filan karo daaq wanaagsan oo lagu samata bixinyo inta yar ee ka soo hartay Xoolaha dadkii ay abaarto saameysay.
 
Maalaha sida weyn looga roobsaday ayaa waxaa ka mid ah dhulka u dhaxeeya Magaalada Beledweyne iyo deegaanka Halgan oo ah Masaafo dhan 75-km, waxaana marka aad dhulkaasi ku safarto Indhahaagu qabanayaan Xoolo isugu jira Geel, Lo, iyo Ari daaqaya hareeraha Laamiga isla markaana ka Biyo cabaya Balliyo Roobku Biyo dhigay, taasoo marka aad eegto kuu muujineysa sida xaaladda Xoola dhaqatadu u soo hagaageyso.
 
Laakiin marka dhinaca kale la eego waxaay roobku xariyeen isu socodkii Gaadiidka ee isaga kala gooshi jiray Gobalka Hiiraan iyo qeybaha kale ee dalka, waxaana wararku sheegayaan in dhulka u dhaxeeya Goballada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe ku xayiran yihiin Gaadiid Badeeco kala duwan sida.
 
Marka laga soo tago Gobalka Hiiraan sidoo kale meelaha Roobabka ka curteen waxaa ka mid ah Gobollada Gal-gaduud iyo Mudug oo ka mid ah Goballada Sanadihii aynu soo dhaafay Abaarsaday.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia