Xaflad lagu soo gebagebeynayay Tartan qur’aan aqris ah oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Arbaco, October 01, 2008(HOL): Xaflad lagu lagu soo gebagebeynayay Tartan Qur’aan aqris ah ayaa maanta waxaa lagu qabtay Xaafadda Suuqa Bacaad ee Magaalada Muqdisho.

Xafladdaas oo ay wadajir u soo qaban qaabiyeen Idaacadda Qur’aanka Kariimka iyo Shirkadda Xawaaladda Qaran Express ayaa waxaa abaal-marino kala duwan lagu guddoonsiiyay 10 Arday oo ka mid ahaa 100 Arday oo ka qeybgalay Tartan Qur’aan aqris ah oo ay sidoo kale wadajir u soo agaasimeen Idaacadda Qur’aanka iyo Shirkadda Xawaaladda Qaran.

Furitaanka Xafladda ayaa waxaa ka hadlay Mas’uuliyiin ka socday labada Hay’adood, kuwaasi oo kala ahaa Agaasimaha Idaacadda Qur’aanka Maxamed C/wahaab, ku xigeenkiisa Maxamed Cabdi Geeddi (Shiino) iyo C/risaaq Xasan Cali oo ka socday Shirkadda Xawaaladda Qaran.

Mas’uuliyiinta u hadlay Idaacadda Quraanka Kariimka iyo Shirkadda Xawaaladda Qaran waxay sheegeen in ay si weyn ugu faraxsan yihiin in ay soo gebagebeeyaan Tartankii Qur’aan Aqriska, waxayna sheegeen in tartanka uu ahaa midkii ugu qiimaha badnaa oo ay qabtaan, iyagoo ugu baaqay Waalidiinta Soomaaliyeed in ay ku dadaalaan sidii ay Ubadkooda wax u bari lahaayeen, gaar ahaan Qur’aanka Kariimka.

Xafladda oo ay sidoo kale ka hadleen Abwaanno, Waalidiin, Ganacsato iyo Marti Sharaf kale waxaa abaal-marino lagu guddoonsiiyay 10 Arday oo aan ka soo qaadanay 3 Arday oo kaalimaha ugu sareeya galay, waxayna kala yihiin:

1-C/raxmaan C/llaahi Axmed, Kaalinta koowaad, wuxuu ku guuleystay 1000 Doollar, Shahaado iyo Kutub Qur’aan ah.
2-C/llaahi Mukhtaar Maxamuud, Kaalinta labaad, wuxuu ku guuleystay 500 Doollar, Shahaado iyo Kutub Qur’aan ah.
3-Caa’isha Mukhtaar Maxamuud, Kaalinta seddexaad, waxay ku guuleysatay 300 Doollar, Shahaado iyo Kutub Qur’aan ah.

Haddaba intii ay Xafladda socotay ayaa waxaa ka soo qeybgalayaashii Xafladda la siiyay Nambarro Waqti-yaa-nasiib ah, kuwaasi oo lagu helayay lacago kala duwan , waxaana nambarrada yeerinayay C/kariin Shiikh Yuusuf oo isagoo Dubai ku sugan Xafladda uga qeybqaadanayay qadka Taleefoonka, sidoo kalena waxaa xusid mudneyd in ay iyana lacago kala duwan ku guuleysanayeen Dad ka jawaabay Su’aalo isugu jiray Diin, Taariikh, Seynis iyo Suugaan oo intii ay xafladda socotay la weydiiyay.

Tartanka ay soo gunaanadeen Idaacadda Qur’aanka Kariimka iyo Shirkadda Xawaaladda Qaran Express ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay Dadkii Xafladda ka qeybgalay iyo kuwo kale oo kala socday Idaacadda Qur’aan oo si toos ah u tebineysay Tartankaas iyo weliba Xafladdii maanta lagu soo gunaanaday.

Ugu dameyntiina, tartanka maanta la soo gunaanaday ee Qur’aan Aqriska ah ayaa wuxuu soo bilowday 7-dii Bishii Ramadaan, wuxuuna soo gebageboobay 22-kii isal Bishii Ramadaan ee aynu ka soo gudubnay, iyadoo maantana loo qabtay xaflad lagu soo gunaanadayay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia