Ciidamada Itoobiya oo howlgallo ka sameeyay xaafado ka tirsan Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir

Cabirka Farta

Arbaco, October 01, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa saaka waxay howlgallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, iyadoo ciidamadaasna ay dad dhowr ah ku qab-qabteen howlgalladooda.

Howlgalkan oo ahaa mid ay ka qeybqaateen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu Guddoomiyaha Degmada Dayniile Mukhtaar Xasan Caddow ku sheegay in uu la xiriiro amni sugid, wuxuuna caddeeyay in aysan jirin cid si gaar ah loogu dhibaateynayo.

Mukhtaar Xasan Caddow ayaa sheegay in ay howlgalka bilaabeen sida uu hadalka u dhigay kadib markii ay degmadaas ku soo kordheen falal nabadgelyo darro ah, kuwaasi oo sida uu yiri ay ka dambeeyeen dhalinyaro ku nool xaafado ka tirsan Degmada Dayniile.

Intii uu howlgalkaas socday ayaa waxaa degmadaas isaga cararay dad badan oo dhalinyaro u badnaa, kuwaasi oo ka baqay in ay Ciidamada qabtaan ama ay dhibaatooyin kale u geystaan.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee saaka howlgallada ka sameeyay Degmada Dayniile ayaan bishii Ramadaanka oo dhan sameynin wax howlgallo ah, wuxuuna howlgalkoodii saaka ahaa midkii ugu horeeyay oo ay sameeyaan Ramadaanka kadib.

Dhanka kalena, Rasaas ay fureen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa waxay sababtay in ay geeriyoodaan labo ruux oo rayid ah, mid kalena uu dhaawacmay. Labada ruux ee geeriyooday ayaa waxaa haleeshay rasaas ay Ciidamada Dowladda fureen, taasi oo la sheegay in ay u wadeen gaari yar oo diiday amar ay siiyeen oo ahaa in uu istaago.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia