Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la dagaalamaan Kooxaha Burcad Badeedka ah

Cabirka Farta

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed
Arbaco, October 01, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa wuxuu shirkiisa Jaraa’id kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan dagaallada ka socda Soomaaliya, Munaasabadda Ciidda Soon-fur, Kooxaha Burcad Badeedka, Wada hadallada Jibouti iyo dhibaatada nololeed ee heysata Dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo ugu horeyn ka hadlay Munaasabadda Ciidda waxaa uu Dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Soonfur iyo Bishii Ramadaan ee ay soo soomeen, wuxuuna u rajeeyay nabad iyo in uu Allaah ka aqbalo waajibkii ay soo guteen.

Halkan ka dhegeyso Hadalka Madaxweynaha-HOL

Intaas kadib waxaa uu Madaxweynaha ka hadlay Dagaallada ka socda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dadka dagaallada wada kula talinayo in ay dhibaatada iyo dagaalka iska daayaan, isla markaana ay ayidaan wada hadallada nabadeed ee Jibouti ka socda, si buu yiri ay Mustaqbal fiican u helaan.

“Haddii aan nabad la helin; gobanimo, sharaf, midnimo iyo qarannimo midna la heli maayo taas hala ogaado”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo dadka dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Federaalka ku tilmaamay ubadkii dhashay xiligii burburka, kuwaasi oo uu sheegay in ay dad kale ku shaqeysanayaan.

“Dagaal ninkii yaqaan waa ogyahay, dad baa ku le’da oo ku dhintee dad kuma dhasho oo kuma noolaado, meel aan nabad jirin-na nolol wax la yiraahda lagama helo saa suurtagalba maahee, marka waxaan dadkaas kula talinayaa in ay fahmaan ficillada ay sameynayaan ee colaadda ah ee ay uga soo horjeedaan Dowladda iyo dadka ay ka dhasheen ay yihiin kuwo lumay oo aan is-garaneynin.

“Si aynu marka u horseedno inteena hadda nool iyo ubadka dhalan doonaba mustaqbalkooda wanaagsan, waxaa loo baahan yahay in aynu nabada ayidnaa, wada hadallada socda ayidnaa, dhibaatada aan iska deyno, haddii aanan sidaas la yeelin wadanka sidaan buu ahaan doonaa, deetana cid ka talin doonta Rabbi baa yaqaana, laakin laga yaabi maayo qori caaraddii intey ku adkaadaan, in ay dalkan dowlad ka noqdaan dhici meyso, laga yaabi maayo. 38 sano ka hor baan anigu dagaal bilaabay, horay ayaan idinkugu sheegay wariyayaal, xiligaas intii ka dambeysay dagaal ma wadin, laakin dagaalkii aan bilaabay ayaan sidaan isu bedelay”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in uu dadka dhibaatada wado Alle uga baryayo inuu caqligooda geliyo in waxa ay ku jiraan ay qalad yihiin.

Waxaa uu ka hadlay Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in uu cambaareynayo Kooxahaas oo uu carrbaka ku dhuftay in ay cunaqateynayaan Dadweynaha Soomaaliyeed iyo Dadyow kale oo aaney jirin xumaan ka dhaxeysa, “hadda sida xaalka ku socdo Badda Mediterenian-ka iyo Bad-weynaha Hindiya waa ay kala go’an yihiin, ganacsigana waxaa xayiran yahay, waxaas wax loo dul-qaadan karo maahee, dadkweynaha Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay si naxariis darro ah ula dagaallamaan”ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in Kooxaha Burcad Badeedka si kastoo badda ay ugu jiraan ay ugu dambeynta Berriga u soo baxaan, halkaasna lagula dagaallami karo.

Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa uu ka hadlay dhibaatooyin nololeed oo ay qabaan dad badan oo ku nool gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo ay isugu darsameen Abaaro, Cudurro, Colaado Sicir-barar iyo gaajo.

“Waxaa laga yaabaa Adduun-weynaha in uu u qabo Arrimuhu in ay caadi yihiin, laakin aniga waxaan u jeedinayaa Adduunka baaq oranaya Dadweynaha Soomaaliyeed ha laga qabto Dadka Badda xirtay iyo Argagixisada dhulka joogta, hana loo soo gurmado noloshooda iyo jiritaankoodana hala badbaadiyo”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia