
Arbaco, October 01, 2008(HOL): Deeq lacageed oo gaaraysa $1000 kun Dollar ayaa maanta la gudoonsiiyay wakiilo ka socday Naafada Xooga Dalka Soomaaliyeed ee kujira Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.
Faarax Cabdi oo wakiil ka ah Jaaliyada Kansas City ayaa Teleefoonka ku gudoonsiiyay lacagtaas saddex xubnood oo wakiil ka ahaa naafada Martiini. Sadexda xubnood ee lacagta lagudoonsiiyay oo kala ah: Cabdi Mahad Ali, Afhayeenka Naafada Martiini, Cali Xassan Abuukar (Ali Qaylaweyne), iyo Maxamed Cabdi Dhabar ayaa aad uga mahad celiyay deeqdaas wax ku oolka ah ee ay ufidiyeen walaalaha Soomaalyeed ee ee ku nool Kansas City ee dalka Maraykanka, Waxayna sheegeen in deeqdanu ay ku soo beegantay xili ay xaaladooda dhaqaale aad uliidato. Waxayna urajeeyeen dadkii lacagtaas soo diray inuu Alle ugu badalo wax ka khayr badan aduun iyo aakharaba. Waxay sidoo kale ka codsadeen jaaliyadaha kale inay ku daydaan walaalaha Kansas City oo ay la soogaaraan kaalmo dhaqaale oo deg deg ah.
Maxamed Cabdi Dhabar oo ka warbixiyay xaalada nololeed ee naafada ku jirta Ispitaalka Martiini wuxuu sheegay in aysan xitaa haysanin biyo nadiif ah oo ay cabaan. Sida kaliya ee ay biyo ku helikaraana ay tahay in ay ka iibsadaan dadka ka ganacsada biyaha oo ka soo dhaamiya Ceelgaab iyo meelo kale, iyadoo ay adagtahay ayuu yiri inay helaan lacag ay biyaha ku gataan.
Cabdi Mahad Ali ayaa isna ka hadlay xaalada dhismayaasha ay naafadu ku noolyihiin oo aad usii xumaanaysa. Wuxuu sheegqay in dhismayaashii Isbitaalka Martiini ay intoodii badnayd horayba udumeen inta hartayna ay qarka usaaranyihiin inay dumaan. Sidoo kale wuxuu sheegay in Isbitaalku uusan lahayn musqulo dadku isticmaalikaraan oo shaqaynaya, sidaas darteedna meesha naafadu ku noolyihiin ay nadaafadeedu aad uliidato ayna halis utahay inay cuduro ka dilaacaan. Wuxuuna ka codsaday Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee aduunka inay udhisaan dhawr musqulood dadka naafada ah ee kunool Martiini.
Qofkii doonaya inuu laxiriiro dadka naafada ah ee ku jira Ispitaalka Martiini wuxuu kala xiriiri karaa teleefoonkan: Tel: 2521-623-33135.
Faarax Cabdi
[email protected]
Kansas City, USA