Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka digtay Lacag Doollar Been abuur ah oo Muqdisho la soo geliyay

Isniin, November 03, 2008 (HOL): Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xaamud ayaa shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed uga digay lacag doollar been abuur ah oo la soo geliyay Magaalada Muqdisho

Wasiirka oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in Ciidamada Ammaanka Dekedda Muqdisho ay lacagtaas ku qabteen Dekedda Muqdisho, wuxuuna sheegay in baaris lagu hayo halkii ay lacagtaas ka timid.

Lacagtan Been abuurka ah ee lagu qabtay Dekedda Muqdisho ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo ay dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay ka cabanayeen dhawaanahan sicir barar ku yimid qiimaha raashinka quutul-daruuriga ah.

Horay waxaa Magaalada Muqdisho marar kala duwan u soo galay lacago been abuur ah oo Shillin Soomaali ah, kuwaasi oo qaarkood lagu sameynayay Makiinado lagu rakibay deegaanno ka tirsan Puntland, inkastoo waxgarad iyo ganacsato reer Puntland ay ku guuleysteen in makiinadahaas laga qaado Puntland lacagtii ay sameeyeen iyo qaar ka mid ah warqadihii laga sameynayayna meel fagaare ah lagu gubay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia