Shiikh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo Somaliland ka codsaday in ay sii deyso Shiikh Caan ah oo ay Ciidamadeedu xireen

Isniin, November 03, 2008 (HOL): Shiikh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo ka mid ah Culumaa’udiinka sida weyn looga yaqaano Dalka Soomaaliya iyo dibaddiisa ayaa wuxuu ka codsaday Xukuumadda Somaliland in ay sii deyso oo ay xoriyaddiisa u soo celiso Shiikh Rufaaci Shiikh Axmed Shiikh Nuur Xuseen oo ka mid ah Dariiqada Qaadiriyada, kaasi oo ay xireen Ciidamada Somaliland.

Shiikh Maxamuud waxaa uu sheegay in Shiikhaas uu ka mid yahay Dad badan oo Magaalada Muqdisho uga cararay dhibaatooyinka ka jira, isla markaana uusan wax lug ah ku lahayn qaraxyadii dhawaan ka dhacay Magaalada Hargeysa.

“Maamulka Somaliland waxaan ka codsaneynaa in dad aan dembi lahayn aysan u qaban ama u dhibaateyn dembi ay galeen dad kale”ayuu yiri Shiikh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo sheegay in ay Somaliland xaq u leedahay in ay ammaankeeda sugato, isla markaana ay ka hortagto cid kasta oo amnigeeda ka soo horjeeda.

Ciidamo ka amar qaata Maamulka Somaliland ayaa waxay maalmo ka hor xabsiga u taxaabeen Shiikh Rufaaci, labo wiil oo uu dhalay iyo labo ruux oo kale oo xirtiisa ka tirsanaa oo Hargeysa kula sugnaa, inkastoo markii ay Ciidamada qabanayeen ay sheegeen in ay Shiikha ammaankiisa u baqeen kadib markii ay dad careysan gurigiisa dhagxeeyeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia