Maxaa ka jira wararka sheegaya in Saraakiisha Maxkamadaha ee ku sugan Beledweyne isku khilaafeen in ay Gobalka soo gaaraan Mas'uuliyiinta Isbaheysiga dib u Xoreynta Garabka Jabuuti

Isniin, November 03, 2008(HOL): Waa hubaal in uu sii xoogeysanayo Khilaafka u dhaxeeya Saraakiisha Maxkamadaha Islaamiga ee ku sugan gudaha Dalka tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay labo garab u kala jabeen Mas'uuliyiinta ugu sareysay Isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya taa oo keentay in la arko hal Magaalo amaba hal Gobal oo ay ku wada sugan yihiin Saraakiil iyo Ciidamo kala aaminsan Siyaasadaha labada garab.
 
Gobalka Hiiraan oo ka mid ah Gobalada ay gacanta ku hayaan Ciidamada Midowga Maxkamadaha ayaa ka mid ah goobaha sameynta muuqta ay ku yeesheen Siyaasadaha is-diidan ee garabyada Jabuuti iyo Eritrea waxaana khilaafka jira uu sii xoogeystay markii ay dhawaan Saraakiil ka tirsan Maxkamadaha ka sheegeen Magaalada Beledweyne in marnaba uusan quseynin hishiiska lagu gaaray Dalka Jabuuti, halka Gudoomiyaha Midowgga Maxkamadaha Gobalka Hiiraan dhiniciisa uu ku tilmaamay in warkaasi uu   yahay mid ka soo fulay kooxo dano gaar ah leh islamarkaan ay soo dhaweynayaan ga'aamada ka soo baxay shirka Jabuuti.
 
Laakiin xaalku waa uu sii qaraaraaday markii ay dhawaan ka soo dageen Magaalada Jowhar ee xarunta u ah Gobalka Shabeelada Dhexe Xubno uu hor kacayo Shiikh Shariif Shiikh Axmed Gudoomiyaha Isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya ee hishiiska la galay Dowladda Federaalka kuwaa oo la sheegay in goobaha ay booqan doonaan uu ka mid yahay Gobalka Hiiraan, waxaana magaalada Beledweyne tan iyo wixii waqtigaa ka danbeeyay ka jiray dhaq dhaqaaqyo marka aad u sii fiirsato kuu muujinaya sida xaalku uusa u sahalaneyn.
 
Dhaq dhaqaaqa oo xitaa mar marka qaar la oran karo waxaa uu ahaa mid Militari ayaa dad badan oo siweyn maanka ugu hayay imaashiyaha Xubnaha uu horkacayo Shiikh Shariiif Shiikh Axmed waxaa uu ku abuuray shiki ay cabsi ay ka qabaan wax ka dhalan kara is-qoosigga Siyaasadeed hadii ay Gobalka soo gaaraan Wafuuda Isbaheysigga garabka Jabuuti.
 
Waxaana sii dhamaanaya isla markaana meesha ka sii baxeysa hadal heyntii dadka iyo qab qaabadii loogu jiray soo dhaweyn Xubnaha gaaray Jowhar, walow hadana aan si dhab ah loo oran karin booqashadii Wafuudu ay ku soo gaari la haayeen Gobalka Hiiraan dhamaanteed waa mid meesha ka baxday.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia