Isniin, November 03, 2008(HOL): Dowladda Yemen ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay Ciidamo u soo direyso Xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo ka qeybqaadan doona sugidda Ammaanka Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen Abu Bakar Al-Qirbi ayaa sheegay in ay Dowladdiisa ka qeybqaadato sugidda ammaanka Soomaaliya, isagoo dhinaca kalena Beesha Caalamka ugu baaqay in ay Soomaaliya Ciidamo u diraan, si buu yiri loo dhowro heshiiskii ay dhawaan ku gaareen Jibouti Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
Abu Bakr Al-Qirbi oo u waramayay Wargeyska Yemen Post waxaa kale oo uu sheegay in Beesha Caalamka ay door muhiim ah ka ciyaari karto sugidda ammaanka Soomaaliya iyo meel-marinta heshiiskii ay dhinacyada Soomaalida ku gaareen Dalka Jibouti.
Dowladda Yemen waxay horay u soo dhaweysay heshiiskii colaad joojinta ahaa ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ay ku gaareen Dalka Jibouti, waxayna xustay in heshiiskaas uu yahay mid wax weyn ka bedeli doona xaaladda dalka Soomaaliya, sidoo kalena gacan ka geysan doona sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dad badan oo ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.
Warkan ka soo baxay Dowladda Yemen ayaa wuxuu intaas ku darayaa in Heshiiskii Jibouti uu sahlayo in wax laga qabto dhibaatada ay Kooxaha Burcad Badeedka ku hayaan Bad-weynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed, iyadoo sidoo kalena lagu sheegay in uu dalka Soomaaliya ku soo dabaalayo nabad iyo amni.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia