Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo berri ay wada hadallo xasaasi ah uga bilaabanayaan Dalka Jibouti

Jimco, November 21, 2008(HOL): Guddiyo ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Garabka Jibouti oo siyaasadda iyo ammaanka qaabilsan ayaa maanta berri ah waxay wada hadallo uga bilaabanayaan Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shalay ka hadlayay shir  jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay ayaa wuxuu sheegay in ay guddiyo ka kala socda labada dhinac ay wada hadallo uga bilaabanayaan 22-ka bishan Magaalada Djibouti, isagoo xusay in wada hadalladaas ay yihiin kuwo xasaasi ah.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa uu sheegay in wada hadalladaas looga hadli doono arrimo ku saabsan awood qeybsiga iyo suurtagalnimada in ay Isbaheysiga Dib u xoreynta ay wax ku yeeshaan dowladda haatan jirta, si gaar ahna waxaa uu uga xusay arrimaha laga hadlayo in baarlamaanka la furo laguna soo daro xubno ka socda mucaaradka Dowladda.

“Waxaan rajeynayaa in wada hadallada Jibouti uga bilaabanaya Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ay noqon doonaan  kuwo ay miro wanaagsan ka soo baxaan, isla markaana xal u noqda mushkiladda Soomaaliya”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Guddiyadan ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa waxay isugu imaanayaan kulankoodii seddexaad tan iyo markii lagu dhisay Dalka Jibouti, waxayna wada hadalladooda yihiin kuwo xal loogu raadinayo mushkiladda ka taagan Soomaaliya.


Si kastaba arrintu ha ahaatee, Kulanka ay isugu imaanayaan guddiyada ka kala socda Dowladda  Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maanta oo ay taariikhdu tahay 21-ka November 2008 ay ku beegan waqtigii loo qabtay in ay Ciidamada Itoobiya uga baxaan Soomaaliya, gaar ahaan fariisimo ay ku leeyihiin magalaada Muqdisho,  inkastoo mudadaas ay ku egtahay ilaa caawa 12-ka habeennimo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia