Jimco, November 21, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo marti u ahaa Barnaamijka hadal-heynta Jimcaha ee ka baxa Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ay ka baxayaan Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.
Ra’iisal Wasaaraha oo la weydiiyay in maanta ay ku beegan tahay waqtigii loo qabtay in ay Ciidamada Itoobiyaanka uga baxaan fariisimo ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, welina aaney jirin Ciidamo ka guuray fariisimadaas ayaa wuxuu sheegay in ay jiri karaan maalmo dib u dhac ah, balse ay mar kasta Ciidamada Itoobiyaanka baxayaan.
“Maalmo dib u dhac ah oo ay Ciidamada isku qaban-qaabinayaan waa jiri karaan, waxaanse shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa in ay Ciidamada Itoobiyaanka baxayaan, taasina waxay qeyb ka tahay heshiiskii ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta”ayuu yiri Ra’iisal Wasaar Nuur Cadde.
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho in ay la dhaqangeliyaan heshiiskii Jibouti oo ay qodobadiisa ugu muhiimsanaayeen in xabadda la joojiyo iyo in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Soomaaliya, gaar ahaan fariisimo ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho oo kala ah Warshaddii Baastada, Xeyla Bariise, Towfiiq, Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Wasaaraddii Gaashaandhiga.
Hadalka uu sii daayay Ra’iisal Wasaaraha ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay dad badan oo ku dhaqan Magaalada Muqdisho ay is-weydiinayaan sababta ay Ciidamada Itoobiyaanka ugu bixi la’ yihiin mudadii loo qabtay, iyadoo dadka qaarkiisna ay muujinayaan shaki ku saabsan in aysan Ciidamada Itoobiya ka baxeynin Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia