Kooxaha Burcad Badeedka Soomaalida ah ee heysta Markabka Shidaalka wada oo dalbaday Lacag madax furasho ah oo dhan 25 Milyan oo Doollar

Jimco, November 21, 2008(HOL): Kooxaha Burcad Badeedka Soomaalida  ah ee heysta Markabka Shidaalka wada ee Sirius Star ayaa waxay dalbanayaan lacag madax furasho ah oo gaareysa 25 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah.

“Waxaan dalbaneynaa lacag madax furasho ah oo dhan 25 Milyan oo Dollar, si aan u sii deyno Markabka Shidaalka wada ee laga leeyahay Sacuudiga, mana rabno wada hadallo waqti dheer qaata oo aan la galno shirkadda iska leh markabka aan heysanno”ayuu yiri mid  ka mid ah Kooxaha Burcad Badeedka ah ee heysta oo magaciisa ku soo gaabiyay Maxamed Siciid.

Ninkan Burcad Badeedka u hadlay oo lagu magacaabo Maxamed Siciid waxaa uu sheegay in ay Shirkadda Sacuudiga ah ee Markabkan leh ay heysato 10 maalmood oo ay ku bixin karto lacagta ay ka rabaan, haddii kalena waxaa uu sheegay in ay dhibaato geysan doonaan.

Markabka Sirius Star oo ay ku raran yihiin 2 Milyan oo Fuusto oo Saliid Ceyriin ah, isla markaana ay saaran yihiin 25 Shaqaale ah oo qaarkood Yurub u dhasheen ayaa waxay Kooxaha Burcad Badeedka ah ka soo qafaasheen meel 800 oo Km u jirta Kenya oo Badweynta Hindiya ah, waxayna kooxaha Burcad Badeedka ah af-duubka Markabka ku fuliyeen labo doomood oo kuwa dheereeya ah, iyagoo wata hub fudud iyo mid culus.

Markabkan Sirius Star ayaa wuxuu yahay mid labaad oo saameynta af-duubkiisa laga dareemo Adduunka, waxaana ka horeeyay Markab Faina lagu magacaabo oo hub u waday Dowladda Kenya, kaasi oo ay Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah af-duubteen.

Xeebaha Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin Maraakiib dagaal iyo ciidamo la socda ayaa waxaa ka dhaca af-duubyo joogto ah oo loo geysto Maraakiibta isaga kala goosha Badweynta Hindiya iyo Badda Cas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia