Jimco, November 21, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa saaka aroortii waxay weerar culus ku qaadeen guriga Guddoomiyaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci).
Sida ay ku warameen dadka ku dhaqan nawaaxiga guriga Guddoomiyaha ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday guriga Guddoomiyaha uu ahaa mid culus oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Guddoomiyaha Degmada Wadajir oo qudhiisa wax laga weydiiyay weerarka gurigiisa lagu qaaday ayaa sheegay in ay ciidamadiisa iska caabiyeen kooxihii soo weeraray, wuxuuna intaas ku daray in ay ka dileen 17 ruux, kuwaasi oo uu xusay in ay meydadkooda yaallaan halkii lagu dilay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kooxaha weeraray guriga Guddoomiyaha oo ku saabsan waxa ka jira in 17 ruux looga dilay dagaal ay saaka la galeen ilaalada Guddoomiyaha Degmada Wadajir.
Dhanaka kalena, Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar bambo gacmeedyo loo adeegsaday ku qaadeen Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho, lama soo sheegin wax khasaare ah oo halkaas ka dhashay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia