Khamiis, November 20, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa maanta dib ugu noqday Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kadib socdaallo uu ku soo kala bixiyay dalalka Kenya, Itoobiya iyo Ingiriiska.
Ra’iisal Wasaaraha oo si nabadgelyo ah ugu soo noqday Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu qabtay shir jaraa’id oo uu uga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan dib u heshiisiinta u socota Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, khilaafka soo kala dhexgalay isaga iyo madaxweyne Yuusuf iyo weliba maamul u sameynta gobolka Banaadir.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in wada hadallada dib u heshiisiinta ah ee u socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ay meel wanaagsan marayaan, wuxuuna caddeeyay in ay wada hadalladaas ka soo bixi doonaan miro wanaagsan oo ay ku farxaan dadka Soomaaliyeed.
Wuxuu sheegay Ra’iisal Wasaaraha in uu shacabka Soomaaliyeed uga cudur-daaranayo hadalladii khilaafka laga dheehan karay ee ay saxaafadda isaga isu mariyeen isaga iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, wuxuuna caddeeyay in khilaafkaas lagu dhameyn doono Baarlamaanka hortiisa, iyadoo la eegayo shuruucda u degsan Dowladda Federaalka.
Waxaa uu ka hadlay dhaliil uu Urur Goboleedka IGAD u jeediyay Hoggaanka sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay dhaliishaas u arkayaan mid lagu saxayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu soo dhaweynayo.
Maamul u sameynta gobolka Banaadir ayuu ka hadlay Ra’iisal Wasaaraha, wuxuuna sheegay in sida lagu wargeliyay ay arrintaas meel wanaagsan mareyso, dhawaanna la soo gebagebeyn doono howsha maamul u sameynta Gobolka Banaadir.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dib ugu soo noqoshada Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo uu khilaaf bannaanka yaalla u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, tiiyoo ay xusid mudan tahay in ay soo xoogeysanayaan xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, kuwaasi oo dhawaanahan la wareegayay gacan-ku-heynta deegaanno dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia