Khamiis, November 20, 2008(HOL): Madaxwaynaha DGPL Maxamuud Muuse Xirsi Cadde ayaa maanta kala diray golihii deegaanka degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal, kadib booqosho uu halkaasi ku tagay isaga iyo xubno ka tirsan golihiisa Xukuumada.
Arinta ugu wayn ee loo kala diray ayaa lagu sheegay in ay tahay khilaaf soo kala dhax galay baryahan danbe qaar ka mid ah golaha deegaanka degmada Burtinle iyo in ay gudan waayeen waajibaadkoodi shaqo.
Madaxwayne Cadde ayaa sheegay in golaha cusub ee la soo dhisi doono ay iska soo dhax dooran doonaan shacabka degmada Burtinle, isagoo ka digay in ay maraan wadadii ay mareen kuwii hore.
Duqii hore ee degmada Burtinle oo saxaafada la hadlay ayaa tilmaamay in arintani ay sababi karto dhibaatooyin ka dhax dhalata gudaha shacabka degmada Burtinle,iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo la kala diro golaha deegaanka degmadaasi.
Madaxwaynaha DGPL ayaa dhawaantan kala diray golohii degmada Ayl kadib markii ay halkaasi xarun u noqotay burcad badeedka ,waxaana arimahaan ay ku soo beegmayaan xili xukuumadda iminka jirta uu waqtigeeda si idlaanayo.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia