Xog-hayaha Arrimaha gudaha Isbaheysiga dib-u-Xoreynta garabka Jibouti oo ka amba baxay Magaalada Beledweyne

Cabirka Farta

Khamiis, November 20, 2008(HOL): Xog-hayaha Armaha gudaha Isbaheysiga dib u Xoryenta Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aadan oo todobaadyadii la soo dhaafayba ku sugnaa Magaalada Beledweyne ayaa gelinkii danbe ee maalintii shalay ka dhoofay garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne.
 
Col. Cumar Xaashi Aadan oo ka hor inta uusan ka anba bixin Magaalada Beledweyne u waramay HOL ayaa sheegay in uu ku sii jeedo Dalka Jabuuti isagoo sheegay in halkaasi ay ka dhici doonaan kulamo sida uu hadalka u dhigay muhiim u ah geedi socodka Nabada, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay sidii loo sii amba qaadi lahaa heshiiskii kol hore dhaxmaray dhinacooda iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Col. Cumar Xaashi Aadan waxaa uu dhinaca kale ka hadlay Xaaladda Gobalka Hiiraan wuxuuna  sheegay in Gobalku uu hadda yahay mid xasiloon laakiin waxaa uu qiray in kooxo kala Siyaasad iyo aragtiba duwan kuwa sugan yihiin Gobalka, waxaana uu intaas ku daray in mar walba Isbaheysiga uu ka tirsan yahay ku dadaalayo sidii looga taabagalin lahaa guud ahaanba Gobalka Hiiraan Siyaasadda dib u hishiisiinta.
 
Mar ay HOL weydiisay sida uu u arko khilaafka u dhaxeeya Mas'uuliyiinta sar sare ee Dowladda Federaalka ayuu ka gaabsaday in uu wax jawaab ah ka bixiyo, waxaana uu yiri'' Shacabka Soomaaliyeed mar walba waxaa uu u baahan yahay Nidaam hoggaankiisu adag yahay”.
 
Xog-hayaha Arrimaha dibadda Isbaheysiga dib u Xoreynta Col. Cumar Xaashi Aadan ayaa ka mid ahaa wafdi uu horkacyay Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo horraantii bishan soo gaaray Magaalada Beledweyne,
 
Dhinaca kale waxaa wali halkoodii ka sii socda kulamadii ay la haayeen qeybaha kale ee Saraakiisha Midowga Maxkamadaha Gobalka Hiiraan kuwaas oo u muuqda in wali ay isku mari la yihiin sidii meel la isugu  keeni lahaa Siyaasaddooda la xiriirta qaabka loo wajahayo taaba-galinta qodobadii ka soo baxay shirkii Jabuuti.
 
Ilaa hadana ma jiraan warara ka soo baxay kulamada u socda Saraakiisha Midowga oo loo soo gudbiyay Saxaafada taasoo muujineysa in xaalku yahay mid u baahan in la sii gorfeeyo, iyadoo marka laga soo tago Saraakiisha Maxkamadaha Gobalka sidoo kale kulamada socda ay ka qeyb qaadanayaan Xubno sida la sheegay dhex dhexaadin wada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia