Guddoomiyaha Gobolka Bay oo ka warbixiyay Weerar Bambaano oo gurigiisa lagu qaaday

Cabirka Farta

Khamiis, November 20, 2008(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Bay C/fataax Ibraahim Geesey ayaa ka warbixiyay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen guriga uu ka degan yahay Magaalada Baydhabo.
 
Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in kooxaha weerarka ku soo qaaday oo adeegsanayay bambooyinka gacanta laga tuuro ay geysteen khasaare dhaawac ah oo soo gaaray mid ka mid ah ilaaladiisa iyo qof kale oo rayid ah oo aan waxba galabsan.

“Waxaan helnay raadka kooxahaas, waana ku daba-jirnaa, waxaan rajeyneynaa in aan gacanta ku soo dhigi doono, isla markaana ay Adduunka ciqaab kula kulmi doonaan, inta aanba la gaarin Aakhiro”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Bay.

Weerarka lagu qaaday guriga Guddoomiyaha Gobolka Bay C/fataax Geesey ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay sugidda ammaanka Baydhabo ku howlan yihiin Ciidamo tiro badan oo Mileteri, Boolis iyo Itoobiyaan isugu jira, iyadoo ay xusid mudan tahay in xiliga la weerarayay guriga guddoomiyaha ay ku sugnaayeen Ciidamo aad u badan.

“ilaalo badan ayaa ku sugneyd gurigeyga markii ay kooxahaas soo weerarayeen, wuxuuna weerarkaas ahaa mid ku dhacay qaab maqaadiir ah”ayuu yiri C/fataax Geesey oo ku celi celiyay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in ay soo heli doonaan kooxihii weeraray gurigiisa.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa dhawaanahan sii xumaanayay, waxaana ku soo badanayay falal isugu jira dil, qaraxyo iyo weerarro toos ah, kuwaasi oo lala eeganayay mas’uuliyiinta gobolka Bay iyo weliba mas’uuliyiinta kale ee Dowladda ee ku sugan Magaalada Baydhabo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia