Jimco, November 14, 2008(HOL): Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee fariisinka ka sameystay deegaank Siinka Dheer ee u dhaxeeya Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa lagu soo waramayaa in ay maanta halkaas ka guureen.
Ciidamadan oo wata 9 Baabuur oo Ural ayaa waxay u dhaqaaqeen dhinaca Xeradii Asluubta ee duleedka Muqdisho, halkaasi oo uu ku yaallo mid ka mid ah saldhigyada waa weyn ee Ciidamada Itoobiya.
Ka guuritaanka Deegaanka Siinka Dheer ee Ciidamada Itoobiya waxaa si weyn u soo dhaweeyay dad ka barakacay magaalada Muqdisho oo deganaa deegaankaas, kuwaasi oo baqo-cararay kadib markii ay shalay Ciidamadu soo dul-degeen, sidoo kalena waxaa soo dhaweeyay dadka iyo gaadiidka isticmaala Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo iyagu cabsi ka muujinayay Ciidamadaas.
Ciidamadaas oo markoodii hore ka yimid Degmada Afgooye ayaan la ogeyn sababtii keentay inay dhaqdhaqaaqaas muujiyaan marka laga reebo in ay habeen hore Deegaanka Ceelasha Biyaha gaareen Xoogag Islaamiyihiin ah oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia