Danjire Ould Abdallah oo soo dhaweeyay Maraakiibta dagaal ee uu Midowga Yurub u soo dirayo Xeebaha Soomaaliya

Cabirka Farta

Jimco, November 14, 2008(HOL): Wakiilka Xoghayah Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ayaa soo dhaweeyay go’aan ka soo baxay Midowga Yurub ah oo ahaa in ay Maraakiib Dagaal iyo Ciidamo u dirayaan Xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo la dagaallami doona Kooxaha Burcad Badeedka ah.

Danjire Ould Abdallah waxa uu sheegay in Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya ay qaali ka dhigeen raashinka iyo shidaalka Gobolka Geeska Afrika, si gaar ahna wuxuu u xusay dalka Soomaaliya oo dadkiisa inta badan ay heystaan dhibaatooyin dhinaca nolosha ah.

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in uu qaban qaabinayo shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Burcad Badeedka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in uu shirkaas ka dhici doono Magaalada Nairobi.

Maraakiibta Dagaal ee ka socda Midowga Yurub ayaa lagu wadaa inay Xeebaha Soomaaliya gaaraan bisha soo socota, waxayna ku biiri doonaan Ciidamo ka socda NATO  oo haatan ku sugan Xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo galbiya Maraakiibta u kireysan WFP ee raashinka mucaawinada ah wada.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia