Jimco, November 14, 2008(HOL): Munaasabad ay soo qaban qaabisay Xarunta Hormarinta dhalinyarada Kanava ee Magaalada Beledweyne isla markaana ay ka soo qeyb galeen Mas'uuliyiin isugu jirta Midowga Maxkamadaha, Golaha Odayaasha dhaqanka, Maamulayaasha Dugsiyada Magaalada, iyo waliba Ururada qeybaha Bulshadu ka kooban tahay ayaa waxaa Shahaado lagu gudoonsiiyay 117 Ardey oo markii ugu horeysay ka soo baxay Xarunta.
Guddoomiyaha Xarunta Max'ed Axmed Faarax oo ugu horeyn ka hadlay Muunaasabada ayaa warbixin kooban ka siiyay ka soo qeyb-galayaasha wax qabadka Xarunta Hormarinta Kanava oo sida uu sheegay ah mid ka shaqeysa Hormarinta Xirfad u abuuridda dhalinyarada aan laheyn Aqoon ay ku shaqeystaan, waxaana uu intaa ku daray in mar walba ay u taagan yihiin sidii loo soo saari dhalinyaro leh Xirfado wax ka tari kara Mustaqbalkooda dambe.
Max'ed Axmed Faarax Waxaa uu intaa ku daray in 7-bilood ka hor Ardeyda wax ka baran jirtay Xarunta ay ahaayeen 300 laakiin dagaalladii is daba jooga ahaa ee ka dhacay Magaalada ay sababeen in tirada Ardeyda intaa hoos uga dhacdo, isaga oo sheegay in 117 hadda qalin jabisay yihiin kuwii u soo dhabar adeygay marxaladihii qalafsanaa ee la soo maray.
Shiikh C/llaahi Faray oo ka mid ah Saarkiishii Midowga Maxkamadaha ee Munaasabada ka soo qeyb-gashay ayaa si weyn u amaanay Xarunta isaga oo dhinaca kalana wax lagu farxo ku tilmaamay in si bilaash ah ama lacag la'aan ah loo soo saaro Ardey tiradaas la eg, waxaana uu ku booriyay Mas'uuliyiinta Xarunta Kanava in aysan ka caajisin howlaha ay umadda u hayaan.
Sidoo kale waxaa isagana halkaa hadal ka jeediyay Madaxa Maamulayaasha Dugsiyada Magalada Beledweyne Dr. Axmed Dhaqane Cali oo kaalin lama ilaawaan ah ku tilmaamay doorka ay qaadatay Xarunta Kanava maadaama ayuu yiri ay u faa'ideysay dhalinyaro aan awoodin in ay iska bixiyaan lacagtii ay wax ku baran la haayeen, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay Guddoomiyaha Xarunta Kanava oo ah ayuu yiri Shaqsi go'aansaday in uu aqoontiisa ugu faa'ideeyo Bulshada ku dhaqan Gobalka maadaama ayuu yiri sanadihii ugu danbeeyay Aqoonyahanada Soomaalidu caadeysteen in ay u baqoolaan dalal shisheeye.
117 Ardey ee ka qalin jabisay Xarunta Hormarinta dhalinyarada ee Kanava ayaa ah kuwo bartay qeybaha Computerka sida Software, Hardware, iyo waliba (Xog-haynnimo) 117 Ardey guud ahaan waxaa ay ka sinaayeen barshada Software-ka, laakiin 25 ka mid ah ayaa waxay ku darsadeed barshada Hardwareka, halka 20 kalana ay barteen qeybta Xog-hayenimada (Secreterial), waxaana halkaa si wada jir ah Shahaadada ku guddoosiiyay Ardeyda Shiikh C/llaahi Farey iyo Waliba Dr. Axmed Dhaqane Cali.
Ardeyda qaarkood oo ay HOL la kulantay ayaa waxaa ay sheegeen in ay siweyn ugu faraxsan yihiin in 7-bilood kadib maanta yihiin kuwo isku filan isla markaana ku shaqeysan karaan waxyaabihii ay soo barteen, waxaana ay si gaar ah ugu mahadceliyeen Xarunta Kanava iyo waliba Macalimiintii u soo dhabar adeygtay wax baritooda iyadoo aan lagu xirin wax dhaqaale ah.
Kanava waa NGO maxali ah kana shaqeeya arrimaha dhaliyarada gaar ahaan shaqo u abuurista kuwa aan laheyn aqoonta ay ku shaqeytaan, waxaana sidoo kale ay xarunta dhiirigalisaa arimaha Sportiga oo qeyb ka ah is-dhaxgalka Bulshada, waana NGO-gii ugu horeeyay ee la oran karo waxaa uu ku guuleystay in uu soo saaro dhaliyaro intaas la eg, oo laga yaabo in Mustaqbalka danbe ay ka faa'ideeysato Bulshada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Xarunta Hormarita Dhalinyarada Kanava ee Magaalada Beledweyne oo ay ka qalab jabiyeen 117 Ardey
Cabirka Farta
More News
- Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Nairobi gaaray iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo saacadaha soo socda laga sugayo
- Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee shalay fariisinka ka sameystay Deegaanka Siinka Dheer oo halkaas isaga guuray
- Maamulka Degmada Garowe oo ka hadlay Maxaabiis ka baxsatay Xabsiga Degmadaas
- Danjire Ould Abdallah oo soo dhaweeyay Maraakiibta dagaal ee uu Midowga Yurub u soo dirayo Xeebaha Soomaaliya
- Waqtigii loo qabtay in ay Ciidamada Itoobiya uga baxaan Fariisimo ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho oo ay 7 maalmood ka harsan tahay