Jimco, November 14, 2008(HOL): Maamulka Degmada Garowe ee maamul goboleedka Puntland ayaa markii ugu horaysay ka hadlay falal amni xumo ah oo habeennadii la soo dhaafay ka jirtay magaaladaasi Garowe.
Taliska Ciidanka Booliska magaalada Garowe ayaa sheegay in dayactir lagu samayn doono xabsiyada ku yaala magaaladaasi, si aysan mar dambe u jabsan maxaabiis gudihiisa ku jirta.
Dhame Axmed oo ah Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Garowe ayaa ku eedeeyay falalkii dhacay qaar ka mid ah saraakiisha Ciidanka ee ka hawl gasha taliskaasi, isagoo intaasi ku daray in lagu raad-joogo dadkii ka dambeeyay in saldhigga dhexe la jabiyo.
Dhawaan ayay ahayd markii Xabsiga Dhexe ee magaalada Garowe ay ka baxsadeen maxaabiis fara badan, kuwaasi oo qaarkood ku xukunaa toogasho, waxaana ay baxsadeen xili ay ahaayen xukun sugayaal.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Degmada Garowe oo la hadlay saxaafadda Puntland ayaa tilmaamay in isbadal lagu samayn doono amniga, isagoo ka digay in mar danbe xabsiga Garowe ay maxaabiis ka baxsadaan.
Marka laga soo tago magaalada Gaalkacyo oo iyadu labo dhinac ah ,waxaa dhanka amni xumada bogga labaad ka soo galaysa magaalada Garowe oo iyadu loo balan sanyahay in ay ka dhacdo doorashada guud ee Puntland.
Magaalada Garowe ayaa Beryahan danbe noqotay magaalada ugu amniga xun, iyadoo ay saldhig u noqotay Burcad Badeedka degmada Eyl, kuwaasi oo intooda badan ka qaata magaaladaasi adeegyada kala duwan ee ay u baahan yihiin.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia