
Arbaco, November 12, 2008(HOL): Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa maanta wuxuu qalab Isboorti guddoonsiiyay 6 Gobol oo ka tirsan Gobollada Dalka Soomaaliya, iyadoo qalabkaasina lagu wareejiyay mas’uuliyiin Isboorti iyo Wakiillo ka socday Gobolladaas.
Gobollada Qalabkan la guddoonsiiyay waxaa ay kala yihiin Shabeelaha Hoose, Hiiraan, Galgaduud iyo Bay, Bakool iyo Gedo oo la isku yiraahdo Zone II waa sida uu u garanayo Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, iyadoo mas’uuliyiinta Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ay sheegeen in ay Gobollada kale ee dalkana ay u hayaan qalabkooda, balse ay u baahan yihiin in ay heleen gobollo uu ka jiro Isboorti shaqeeya.
Qalabkan uu bixiyay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS ayaa waxaa Bahda Isboortiga Soomaaliyeed ugu deeqay Guddiga Olombikada Caalamka ee IOC, iyadoo uu ahaa qalabkii ugu horeeyay ee IOC uu siiyo GOS.

Xaflad qalabkan lagu bixinayay oo ka dhacday Hotelka Jidda ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiin ka socotay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Wakiillo ka socday Gobollada Qalabka la siiyay iyo marti sharaf kale.
Furitaankii xafladda waxaa ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo sheegay in qalabka uu ugu deeqay Guddiga Olombikada Adduunka (IOC) uu yahay midkii ugu horeeyay, sidoo kalena ay tahay markii ugu horeysay oo uu Guddiga Olombikada Soomaaliyeed qalab Isboorti u qeybiyo Gobollo ka tirsan Soomaaliya.
“Guddiga Olombikada Adduunka wuxuu qalabka ku tijaabinayaa Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Guddiga Olombikada Soomaaliyeedna wuxuu qalabkan ku tijaabinayaa Guddiyada Olombikada Gobollada Dalka, waxaana la eegayaa sida loogu horumariyo Isboortiga Dalka Soomaaliya”ayuu yiri Aadan Xaaji Yabarow Wiish.
Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in Gobollada ay qalabka siiyeen ay yihiin kuwo Isboortiga si muuqata u horumariya, wuxuuna caddeeyay in ay gacan siinayaan gobol kasta oo ay u arkaan in uu Isboortiga horumarintiisa ka shaqeynayo.

Intaas kadib waxaa xafladda ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow oo sheegay in qalabka ay ka heleen Guddiga Olombikada Adduunka uu yahay mid ay muddo dheer ku qaadatay in uu soo gaaro Soomaaliya, sabab la xiriirta halkii loo soo marin lahaa, wuxuuna caddeeyay in ugu dambeyntii ay WFP uga soo qaaday Dekedda Mombasa oo uu muddo yaalay.
C/qaadir Abkow waxaa uu sheegay in Qalabka soo gaaray ay ugu talagaleen in lagu horumariyo Isboortiga Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in 18-ka gobol ee dalka ay u hayaan qalabkooda, inkastoo uu ku xiray shuruud ah in ay arkaan Gobollo uu dhaqdhaqaaq Isboorti ka jiro.
Gobollada dalka qaarkood ayuu sheegay C/qaadir Abkow in Garoomadii Isboortiga ay noqdeen meelo ay dad gaar ah degeen oo ay mehrado ganacsi iyo deegaanno ka sameysteen, wuxuuna Gobolladaas ka tilmaamay Jubbada Hoose, Bay iyo Hiiraan, “waan isku daynay in aan garoomadaas ka saarno dadka degay, laakin waan ku guuleysan weynay, taasina waxay ka mid tahay ayaan darrada heysata Soomaaliya”ayuu yiri C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow.
Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed C/qaadir Abkow waxaa uu intaas ku daray in ay kula dardaarmayaan Mas’uuliyiinta Isboorti ee Gobollada Dalka inay soo saaraan Ciyaartoy meteli karta Qaranka Soomaaliyeed, isagoo uga digay in ay qalabka la siiyay ku takri-falaan.

Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow waxaa uu qudbadiisa ku soo gebagebeeyay in uu u rajeynayo Isboortiga Soomaaliyeed horumar ka sareeya midka uu haatan gaarsiisan yahay.
Sidoo kalena, Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee dhinaca Gobollada iyo Dastuurka Maxamed Axmed Colow (Xaaji Colow) ayaa wuxuu mahadcelin u diray Guddiga Olombikada Adduunka IOC, kaasi oo uu ga mahad-naqay deeqda uu u soo diray Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, dhinaca kalena waxaa uu Guddiyada Olombikada Gobollada uu ka codsaday in ka shaqeeyaan sidii uu Isboortiga Soomaaliyeed u gaari lahaa heer aad u sareeya.
Ugu dambeyntiina, Xafladda lagu qeybinayay Qalabkan waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeennada Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee kala ah Xaaji Cabdi Cilmi Warsame iyo Prof. Maxamed Cali Caddow, iyadoo sidoo kalena ay goob-joog ka ahaayeen Ibraahim Xuseen Roombe, Faarax Cali Macallin iyo Maxamed Xuurshe Xasan Eenow iyo Khadiijo Aadan Daahir oo ka kala socday Xiriirrada Kubadda Kolayga, Cayaaraha Fudud iyo Kubadda Gacanta.
C/qaadir Shariif oo ka socday Guddiga Olombikada Gobollada Bay, Bakool iyo Gedo
Dr. Big May oo wakiil ka ah Guddiga Olombikada Gobolka Hiiraan
Maxamed C/kariin Baby oo ka socday Guddiga Olombikada Gobolka Shabeelaha Hoose
Maxamed-Saciid Ciise Yuusuf oo ka socday Guddiga Olombikada Gobolka Galgaduud
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia