
Arbaco, November 12, 2008(HOL): Xafladda furitaanka suuqan ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada sida Ganacsatada, Culamaa’udiinka Dhalinyarada iyo Dhamaan waxgaradka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, iyagoo halkaas ka sheegay inay ku faraxsan yihiin Furitaanka Suuqa.
Shiikh Maxamuud Aw-Cabdule Cariif ayaa halkaas ugu horayn qudbad ka jeediyay, isagoo u mahad celiyay dhamaan dhalinyaradii soo abuubashay xafladaan isla markaana hirgaliyay Suuqaan caalamiga ah.
Gudoomiaha Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa sheegay in haatan ay Sooomaaliya ay gaartay horumar maadama maanta suuqa la yiraahdo IIbka.com laga hirgaliayay Internetka, isgoona halkaas ku muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay.
Sidoo kale Xafladaan ayaa waxaa shahaado sharaf aad u saraysa lagu gudoonsiyay xubno muhiima oo wax u qabta shacabka Soomaaliyee waxaa ka mid ah Abshir Nuur faarax (Bacabdle), agaasima ku xigeenka Isbitalka Madiina Cali (Cadde), Dr C/qaadir C/rixmaan Aadan oo madax ka ah Aamin Voluntary Hosbital oo shacabka Muqdisho ugu deeqay Ambulance lacag la’aan ah iyo Cali Maxamed Siyaad (Cali dheere) oo ah Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha.
Dhaliyaro uu hor kacayo Agaasimaha Suuqa casriga ah ee Iibka ayaa waxay lacog Deeq u soo dhiibeen Naafada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku jira isbitaalka Martiini, kuwaasi oo dhibaato nololeed ay halkaas ku heyso.
Maxamed Xaashi Xirsi oo ah Agaasimaha Suuqan ayaa xafladdii Suuqa lagu furayay oo ka dhacday magaalada Muqdisho ugu qayb galay Qadka taleefoonka isagoo ku sugan Caasimadda Britain ee London, waxaana u sheegay in Suuqaan uu wax ka tari doono ganacsiga Soomaaliyeed sidii loo horumarin lahaa.
Waa suuq Noocee ah ?
IIBKA Waa Suuq Internet-ka ku jira oo si Computerized ah aad wax uga iibsin kartid, wuxuuna yahay mid si weyn loo soo dhaweeyay oo ay durba macaamiil ka noqdeen Dad badan oo Soomaaliyeed. Suuqaan ayaa ka qeyb qaadan doona isu keenidda Soomaalida ku kala firirsan Daafaha Caalamka sida kuwa jooga Ameerika, Yurub , Aasiya iyo Weliba Africa.
“Suuqan wuxuu u adeegi doonaa bulsho-weynta Soomaaliyeed, iyadoo uu Adeegsan karo qof waliba oo Iska iibinaya ama iibsanaya badeeco, waa suuq ku yimid Baahida Bulshada, waa suuq u dhashay kana dhashay Bulshada Dhexdeeda”ayuu yiri Agaasimaha Suuqan Maxamed Xaashi Xirsi.
Halkan ka daawo Sawirro kale oo xafladda ku saabsan
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia