
Arbaco, November 12, 2008(HOL): Habeenkii Axadda ee 9kii November 2008 ayaa waxa ay u ahayd Soomaalida ku nool London habeen aan la iloobi karin, waxaa ay u ahayd haddiyad qaali ah, waxa ay u ahayd fursad weyn.
Waxaa lagu qabtay woqooyi-galbeedka magaalada xaflad weyn oo ay ka soo qeyb galeen dad magac iyo muunad ku dhex leh dadka ku hadla afka soomaaliga, waxaa ka mid ahaa Aw Jaamac Cumar Ciise oo dadka intiisa badan ay ku yaqaanaan ururuurinta iyo soo bandhigidda taariikhdii iyo suugaantii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Aaden Faarax Samatar, Maxamed Cabdillaahi Riiraash, Maxamed Daahir Afrax, Cabduqaadir Cabdi Shube, Saalax Xaashi Carab, Cabdalle Xaaji Ducaale, Faarax Waceys oo dhamaantood ka yimid dalka Jabuuti, abwaanka Cali Sugulle Dun-Carbeed oo ka yimid Imaaraadka Carabta, Axmed Faarax Cali (Idaajaa) oo isna ka yimid dalka Kenya, Yuusuf Shaacir oo ka yimid Somaliland, Cali Seenyo iyo fannaaniinta caanka ah ee Faaduma Qaasin Hilowle, Faaduma Duur, M. A. Qoomaal, Xadxateeye, Deeqa iyo qaar kale oo badan oo reer UK ah oo dadka ku madadaalinayey heeso dabacsan iyo kuwa wadani ahba, waxaa kaloo halkaa ka soo qeyb galay qorayaal ay ka mid yihiin Maxamed Baashe Xasan, Cabdicasiis Cali Ibraahim, Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon iyo Maxamed Sheekh oo degen UK.
Xafladaas oo ay soo wada qaban qaabiyeen ururka Somali Pen, Universal TV, degmada Camden, Shiba Media Ltd, Somali Community Center iyo Jaaliyadda Jabuuti ee London ayaa waxaa aad u soo camiray jaaliyadaha soomaalida iyo jabuutiba ee ku nool London kuwaas oo ay ka muuqatay qiiro iyo tixgelin ay u hayaan martidaas. Barnaamijka oo uu daadihinayey qaraaga Saciid Jaamac ayaa waxaa inta badan hakinayey sacab iyo mashxarad.
Waxaa halkaa looga mahad celiyey madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay isku hawlay kor u qaadidda qoraalka iyo hal-abuurka afka soomaaliyeed waxaana halkaa lagu soo bandhigay buugaag badan oo uu isagu sabab u ahaa daabicidooda iyo faafintoodaba. Wafdiga ka yimid Jabuuti ayaa iyaguna bushadii ka soo qeyb gashay u soo gudbiyey salaam qaali ah oo ay ka wadeen madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle sidaa si la mid ahna mudane Saciid Jamac oo ku hadlayey magaca ka soo qeyb galayaasha ayaa wafdiga ka yimid Jabuuti wuxuu ka codsaday in salaam taa la mid ah ay ka gaarsiiyaan shacabka, dawladda iyo madaxweynaha Jabuutiba.
Guddomiyaha ururka Somali Pen Maxamed Daahir Afrax ayaa wuxuu ballan qaaday in bulshada ku nool dalkan UK, dalalka kale ee yurub, Woqooyiga Ameerika, bariga dhexe iyo dunida inteeda kaleba ay heli doonaan fursado kale oo midkan la mid ah waqtiyada soo socda si ay ula kulmaan qoraaga iyo hal-abuurka soomaaliyeed. 




M. Abtidon
[email protected]
London, UK