Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in Wasiirro uu soo magacaabay uu u gudbiyay Madaxweyne C/llaahi Yusuuf uuna ka sugayo in uu saxiixo

Cabirka Farta

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)
Arbaco, November 12, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay dalka Kenya ayaa wuxuu ku sheegay in uu soo magacaabay Wasiirro iyo wasiir ku xigeenno uu ku bedelay Wasiirradii horay isaga casilay Xukuumaddiisa.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa uu sheegay in uu 8-dii bishan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf u gudbiyay Liiska Wasiirrada iyo Wasiir ku xigeennada uu soo magacaabay, wuxuuna caddeeyay in uu madaxweynaha ka sugayo in uu saxiixo Digreetada uu Wasiirradaas ku magacaabay.

Ra’iisal Wasaaraha oo aan soo bandhigin magacyada Wasiirrada uu soo magacaabay waxaa uu ka gaabsaday inuu sheego in Wasiirrada uu soo magacaabay ay yihiin kuwo liiska ay ku qoran yihiin maalmihii tegay lagu hayay Magaalada Nairobi iyo in ay yihiin kuwo kale, wuxuuna sheegay in marka madaxweynaha saxiixo la ogaan doono cidda ay yihiin.

Laakin Ra’iisal Wasaaraha oo Shirkaas Jaraa’id kadib u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu sheegay in Wasiirrada uu soo magacaabay ay ku jiraan 14 Wasiir ku xigeen, kuwaasi oo uu sheegay in uu u soo xushay in ay howlaha Dowladda wax ka qabtaan waqtiga yar ee u harsan, sidoo kalena waxaa uu sheegay in Agaasimayaashii Wasaaradaha iyagana la magacaabi doono.

Maanta ayaa waxaa ku ekeyd muddo uu u heystay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde in uu ku soo buuxiyo jagooyinkii ay banneeyeen Wasiirradii Xukuumaddiisa horay isaga casilay, waxaana go’aankaas oo horay uga soo baxay Baarlamaanka Soomaaliya ayiday Urur Goboleedka IGAD oo ku baaqay in xubnaha ka maqan Xukuumadda Federaalka deg deg lagu soo dhiso.

Wasiirrada uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa haddii uu saxiixo Madaxweyne Yuusuf waxay u howlgeli doonaan si toos ah iyagoo aan Baarlamaanka la hor-geynin, waayo waxay magacaabistoodan ka dhigan tahay iyadoo isku shaandheyn lagu sameeyay Golaha Wasiirrada, waxaa sida ku dhigan Axdiga KMG ah ee u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka haddii Wasiirrada la soo wada magacaabi lahaa ay u baahnaan lahaayeen in uu Baarlamaanka kalsooni siiyo.

Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya oo waqtiga jiritaankeeda uu ka harsan yahay wax sanad ka yar ayaa waxaa waqti badan ka qaaday Xukuumad soo dhisid, kalsooni-soon  iyo kalsooni kala noqosho, iyadoo tan iyo markii la soo dhisay mareysa labo Guddoomiye Baarlamaan iyo labo Ra’iisal Wasaare.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia