Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo la wareegay gacan ku heynta Degmada Jamaame

Isniin, May 19, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in Xoogag ka amar qaata dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ay maanta la wareegeen gacan ku heynta Degmada Jamaame ee isla Gobolka Jubbada Hoose.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Xoogaggan oo uu hoggaaminayo nin lagu magacaabo Shiikh Isxaaq Maxamed Abuu Muslim aysan wax ka hor-imaad ah kala kulmin dadka ku dhaqan Degmada Jamaame oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, iyagoo markii ay Degmada gudaha u galeen-na la kulmay Odayaasha Degmada, kuwaasi oo ay kala hadleen arrimo ku saabsan waxyaabaha ay ugu yimaadeen oo ugu horeysiiyeen sugidda ammaanka Gobollada Jubbooyinka.

Degmada Jamaame ayaa waxay noqoneysaa meeshii seddexaad oo ay gacan ku heynteeda la wareegaan Xoogaggan, waxayna horay ula soo wareegeen Degmada Jilib iyo Deegaanka Kamsuuma oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.

La-wareegitaanka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee Degmada Jamaame ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo Guddoomiyaha Siyaasadda Beesha Sade Yaasiin Nuur Gaas uu sheegay in Xoogagga deegaannadaas la wareegay ay yihin sida uu u yiri kuwo huwan Shaarka qolada Asmara, isla markaana ay ka hor-tegi doonaan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Odayaal iyo Waxgarad ku sugan Gobollada Jubbooyinka ayaa waxay ku dadaalayaan sidii ay u baajin lahaayeen dagaal ka dhex dhaca Xoogagga la wareegaya gacan ku heynta Gobollada Jubbooyinka iyo Maleeshiyooyin fadhigoodu yahay magaalada Kismaayo oo hoos-taga Guddiga Siyaasadda Beesha Sade.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia