
Isniin, 19 May 2008 (HOL): Siday u cabiri doonaan dareenada Siyaasadeed iyo muranka aan welli xalka laga gaadhin ee qiyaasta biya dhiciisu mugdiga ku jirto?
Ma muujin doonaan tanaasulaad iyo dareen ka turjumi kara filashada Shacbiga ay hogaamiyayaasha u yihiin?
Ma milicsan doonaan waayaha nolosha bulshada la deriska ah iyo sicir Bararka xadhka goostay?
Ma saadaalin doonaan himillo rajo iyo waji furan horseed u ah?
Ma ka tegi doonaan hal hays, wax cusub oo aan la ogoynse daaha ma rogi doonaan? Su’aalahaa iyo qaar kaleba waxay qayb ka ahaayeen filashadii dadku ku eegayeen, islamarkaana ka dhawrayeen hogaamiyayaasha siyaasadeed ee munaasibadaha 18-ka May shalay ka khudbadeeyay Fagaarayaasha inta badan Gobolada Dalka Gaar ahaan Magaalada Burco oo ay ku waabariisteen Hagaamiyayaasha Xisbiga Kulmiye, Boorama oo uu ka dhex-toosay Hogaanka sare ee UCID iyo Hargeysa oo Xukuumadu xooga saartay iyadoo dhinacyadan la filayo inay maanta sii anba qaadaan wadda xaajoodka muranka siyaasadeed ee ka dhashay Mudo kordhinta Guurtida sidii balantu ahayd.
Inkastoo saadaasha dadku kala duwanayd, aynu ku Horayno Hargeysa.

Madaxweyne Rayaale
“Maanta waxa ay kaga duwan tahay sannaddihii hore ee aynu xusi jiray, dhamaan Somaliland Goboladeeda oo dhan ayaa laga xusayaa munaasibadan, guulaha ay ciidamadu gaadheen ee suuragaliyay inaynu xuduudaheenii iyo Goboladii inaga maqnaa gaadhno ayaa ah ta keentay in meelo aan laga xusi jirin xuskan maanta laga xuso.” Sidan waxaa hadalkiisa ku bilaamay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo shalay shacbiga reer Hargeysa kala hadlay Fagaaraha Beerta Xoriyada Hargeysa, Mudane Rayaale oo wakhtigii xilka loo soo doortay ku ekaa 15-ka May, Islamarkaana mudo kordhinta Guurtidu u samaysay muran ka ooganyahay waxaa uu dadka ku guubaabiyay is garabsi uu bulshada ku booriyay, Islamarkaana waxa uu ku dooday in Xukuumadiisu mudadii uu xilka hayay dedaal u gashay horumarinta dalka. “Waxa astaan inoo ah midnimada Qaranka, wada-jirka dal ahaaneed iyo dad ahaaneed oo aynu ka wada shaqayno, taas ayaanaynu ku gaadhaynaa himiladeena dhaw iyo ta fog labadaba, taas ayaana ah ta aynu ku xusayno sannad-guurada 17-aad.” Ayuu yidhi md, Daahir Rayaale. Waxaana uu in taa ku daray oo uu yidhi. “Nabaddgalyadu waa arrinta ugu mihiimsan, shacabka reer Somaliland waxaan aad uga mahad-naqayaa sida qiimaha leh ee ay mar kastaba nabadgalyada dalkooda ugu feejigan yihiin ee ay ugu soo jeedaan. Bini aadamka Illaahay abuurtay waxyaabaha kale oo dhan way ku kala duwan yihiin, oo caafimaadka lama wada-wadaago, xoolaha lama wada wadaago, darajada lama wada-wadaago, ee waxa kaliya ee ummadu ay wada-wadaagtaa waa nabada.”
Muranka mudo kordhinta Xukuumada aqoonsiga uga baahan Mucaaradka Mudane Daahir Rayaale si sarka xaadis ah ayuu uga hadlay. “Waxaan idiin sheegayaa Xukuumad ahaan iyo Xisbiyada Qaranka wada-hadal ayaa noo bilaabmay, si fiican ayuu noogu bilaabmay, waxaananu rajaynaynaa balan dambe oo noo qabsooma insha Allaahu inaanu wanaag ku dhamaysano wixii noo dhiman.” Ayuu yidhi
Dhinaca wax qabadka ayuu sidoo kale milicsaday. “Safarkaygii ugu dambeeyay ee aan Imaaraadka ku tagay wixii aan kala soo kulmay Riiggii ugu horeeyay oo ceelashii ugu horeeyay Koonfurta Hargeysa ka qodi doona hadii illaahay yidhaahdo, maadaama ay xagaa ka biyo la’adahay magaaladu, maantana wuu joogaa oo shalay ayuu ka soo degay Berbera.” Ayaa ka mid ahaa hadalkiisa Md, Rayaale waxaana uu sheegay in dunida oo dhan ay soo foodsaartay cuno yaraani, sidaa darteed-na waxaa uu soo jeediyay in la tabco oo wax lagala soo boxo dhulka.

Waxa kale uu soo qaaday baaqyada Beesha Caalamka iyo qaramada midoobay kaga hadlaan Somaliya waxaana isaga oo arrintaa ka hadlaya uu yidhi.“Waxaan maqlayay UN-ta oo leh Soomaaliya Ciidamo ha la keeno, fariinta aan halkan uga dirayaana waxa ay tahay UN-ta iyo beesha Caalamku waa in aanay iska indho tirin xaqiiqada dhabta ah ee taala, oo laba dal oo la kala yidhaahdo Soomaaliya iyo Somaliland ayaa jira, oo midna yahay dal jira oo dimuquraadi ah oo shaqaynaya, midna baaba’ay, anaga oo rajaynayna in Illaahay dhibaatada ka saaro (Koonfurta Soomaaliya), maadaama ay jaarkeena yihiin. Beesha Caalamkana waxay ummadani xaq u leedahay ayaanu waydiisanaynaa inaanu ka helo.” Md Daahir Rayaale Kaahin waxaana aynu kaga gudbaynaa khudbadaa uu la horyimi shacbiga. “Waxaan ku boorinayaa bahda warbaahinta iyo qolyahayaga siyaasaduba inay dadka ka ilaaliyaan wax ala wixii xajiimaynaya wada-noolaanshaha iyo wada jirka shacbiga reer Somaliland, taas oo caqabad ku noqon karta geedisocodka horumarkeena.”
Axmed Siilaanyo
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Md.Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo magaalada Burco kaga qaybgalay Xuska 18 May ayaa tilmaamay goobtii u horeysay ee lagaga dhawaaqay gooni isu-taaga Somaliland (Burco), waxaana uu ugu horayn hanbalyo u jeediyay Shacbiga reer Somaliland. Waxa Axmed Siilaanyo tilmaamay in Somaliland haysato Nabad gelo iyo Xasilooni. “Anigoo ku hadlaya magaca xisbiga Kulmiye waxaan aad iyo aad u salaamayaa dawaynaha reer Somaliland ee xusaya 18may. Burcana waa halkii ugu horaysay ee laga taago calanka Somalind” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo waxaana uu intaa ku daray oo uu yidhi. “Waxanaynu halgan ugu jiray, in aynu dalkeena dhisno oo aynu horumar gaadhno iyo xasiloone, markaa manta waynu haynaa nabadii. Laakiin, dibu u dhacyo ayaa jira”
Axmed Siilaanyo waxaa uu sheegay in dib u dhacyada oo ay ka mid-yihiin shaqo la’aan iyo musuq-maasuq uu keenay maamulka jiraa, “Anagu KULMIYE ahaan, ma yeelayno in Geedi-socodkii Dimuquraadiyada in la waxyeeleeyo, ma yeelayno in ay waxaas oo Camal-la’aan ahi idin haysato, ma Yeelayno In Dhalin yaradu tahriib uga Haajiraan Dalka, waxaas oo dhana Waxa sababtay Siyaasad Xumada Xukuumada maanta Jirya "
“Wixii caalamku inagu qiimaynayay madmadow ayaa soo galay” “hase yeeshee hadii ay wax inaga qaloocdeen waxa loo baahan yahay inaynu toosino” ayuu raaciyay Isagoo ka hadlaya Axmed Siilaanyo wadahadalada la xidhiidha mudo kordhinta Guurtidu samaysay iyo muranada kale ee siyaasiga ah waxa uu yidhi. “Waa ogtihiin oo Madaxweynaha way ka dhamaatay Mudadii oo waxa ay kaga eekayd 15, May ee aynu soo dhaafnay Sadexda Cisho, wada hadalo ayaa noo socda oo waxa aanu isku noqonayanaa 19 May, (Maanta) waxana aad Ilaahay Nooga Baridaan in uu noogu dhamaado is Afgarad,” “Laakiin u dulqaadanmayno in ay lunto geedi socodkii dimuqraadiyadu” ayuu yidhi. Waxaana uu ku booriyay shacbiga inay ilaaliyaan Nabad –gelyada.
Faysal Cali Waraabe
Gudoomiyaha Xisbiga UCID Cali Waraabe oo isagu magaalada Boorama kaga qayb-galay Xuska 18-ka May ayaa khudbad uu dadweynaha magaaladaasi uu u jeediyay waxaa uu kaga hadlay xaalada dalka wakhtigan guud ahaan, Muranada siyaasadeed iyo xisbi ahaan ku talagalkooda.
Gudoomiyaha Xisbiga UCID isaga oo ka hadlaya wada hadalada u socda Axsaabta waxa uu sheegay inay si weyn ugu rajo weyn yihiih in guul iyo is afgarad lagu soo gaba-gabeeyo, “Waxa ka soo baxay aan is aragno oo aan tashano ayaa ugu waynayd oo aan ka wada hadalnay waana ta ugu muhiimsan ee lagaga bixi karo duruufaha jira.” Ayuu yidhi waxaa uu ku guubaabiyay dadweynaha ku dhaqan magaalada Boorama inay taageeraan cida garta ku taagan “Walaalayaal, reer Booramow hadii uu Rayaale na dulmayo naga qabta oo hangu eegina” Ayuu yidhi Gudoomiyaha UCID
Waxaana uu ka cudur daartay, tabashooyinka laga qabi karo weedhaha siyaasadeed ee ka soo yeedha. Faysal Cali Waraabe waxaa uu u muuqday Fagaaraha Boorama nin ku haysta taageero.
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe wax yar ka dib khudbadaasi ayuu hadana shir Jaraa’id ku qabtay hotel Rays ee magaalada Borama waxaanu kaga hadlay arrimo kala duwan. Gaar ahaana waxaa uu eedayn ugu jeediyay Ismaaciil Cumar Geele oo uu ku tilmaamay inuu ka mid yahay dadka nacabka u ah Somaliland.
Mar wax laga waydiiyay sida ay qorsheeyeen inay ku soo buuxiyaan Xubinta Xisbigoodu u soo xulay komishanka ee ka maqan waxa uu yidhi “Waan ku soo dhaqsanaynaa waana shuruud ay lacag badani ku xidhan tahay in xubnihii komishanku soo dhamaadaan anagu lugta ma jiidayno ee waan ku soo dhaqsanaynaa”,
In kasta oo Gudoomiyaha UCID si weyn ugu dhaganaa in la sameeyo diiwaan gelinta cod-bixiyayaasha ka hor doorashooyinka, hadana su’aal arrintaa laga weydiiyay waxa uu sheegay inay ka soo horjeedaan in diiwaan gelintu noqoto aalad loo isticmaalayo muddo kordhinta,waxana uu yidhi “haddii ay noqoto diiwaan galintu mid la yidhaah ma suurtoobayso ee xukuumada xilka haloo kordhiyo, anigu waxa aan taageersanahay inta ka soo horjeeda.”
Siday ku soo waramayaan wariyeyaashayada Ceerigaabo, Laascaanood, iyo guud ahaan gobollada iyo degmooyinka kale oo dalka, munaasibadda xuska 18 May si weyn ayaa shalay looga wada qayb qaatay iyada oo dalalka dibaddana ay jaaliyadaha reer Somaliland ay ku qabteen munaasibado miisaan leh.
Dhinaca kale, Xaflad tan la mid ah, ayaa xalay lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada Somaliland. Xafladdan oo ay ka soo qayb galeen Madaxda iyo Masuuliyiinta ugu saraysa Somaliland iyo Marti-sharaf kale oo ajaanib ah, oo ka kala socday Hay’adaha Caalamiga ah ee dalka ku sugan.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland