Isniin, May 19, 2008(HOL): Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu dilay nin ka tirsanaa Golaha Aqoonyahanka iyo Siyaasadda Beelaha Digil iyo Mirifle.
Ninkani la dilay oo lagu magacaabi jiray Shiikh Ibraahim Yalaale ayaa waxaa toogtay kooxo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasi oo ku toogtay nawaaxiga Suuqa Digaaga ee Magaalada Baydhabo.
Lama oga ilaa iyo haatan sababta ka dambeysay toogashada ninkaas oo aan dhanna ka tirsaneyn dhinacyada isku haya Soomaaliya, marka laga reebo in uu ka tirsanaa Golaha Aqoonyahannada iyo Siyaasadda Beelaha Digil iyo Mirifle.
Marxuumka xalay la dilay ayaa wuxuu ka tirsanaa Xildhibaannadii Dowladdii TNG-da ee Carta lagu soo dhisay, wuxuuna wixii xiligaas ka dambeeyay ahaa siyaasi qunyar socod ah oo aan dhanna raacsaneyn dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya.
Dhankal kalena, wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ay saaka gudaha magaaladaas ku sugan yihiin, isla markaana ay baaris ka sameynayaan Xaafadaha Afar Irdoodka iyo nawaaxiga Bangiga, iyadoo markii ciidamada la arkay ay gebi ahaanba istaageen dhaqdhaqaaqyadii Dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia