Isniin, May 19, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa waxay weerar ku qaadeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa Suuqa Xoolaha Daryeel ee Degmada Huriwaa, iyadoo kadibna uu dagaal xooggan dhexmaray Ciidamo Suuqaas Canshuuro ka qaada iyo Kooxaha hubeysan ee weerarka ku soo qaaday.
Dagaal dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Kooxaha hubeysan ayaa waxaa uu sababay dhimasho soo gaartay afar ruux oo isugu jiray Ciidamadii Suuqa joogay iyo Dad Rayid ah oo Suuqa ku sugnaa.
Goob-jooge lagu magacaabo Axmed Xaaji Cali oo degan Xaafadda Waxar-Cadde ee Degmada Huriwaa ayaa sheegay in uu labada dhinac dagaal xooggan dhexmaray, isla markaana uu dagaalkooda ku faafay deegaanno ka fog Suuqa uu dagaalka ka bilowday, isagoo intaasna ku daray in ay muddo kooban la wareegeen gacan ku heynta Suuqa Kooxihii weerarka soo qaaday.
Ma ahan markii ugu horeysay oo uu dagaal ku dhexmaro Suuqa Dayax Ciidamada Dowladda Federaalka ee canshuuraha ka qaada iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda, waxaana jiray weerarro dhowr ah oo horay loogu qaaday.
Ugu dambeyntiina, Dagaalka maanta ka dhacay Suuqa Xoolaha Dayax ee Degmada Huriwaa ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo muddooyinkan ay deganeyd Xaaladda Suuqaas, isla markaana aysan dhicin wax weerarro ah oo lagu qaaday.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia