![]() |
| Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki |
Madaxweyne Afwerki oo wareysi dhif ah siiya warbaahinta Reer Galbeedka ayaa wuxuu u sheegay Wakaaladda Wararka Reuters in Qaramada Midoobay ay dalka Jabuuti ku qabatay wada hadallo ay uga gol-leedahay in ay ku kala qeybiso Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
“Wax fikrad ah kama heysto sababta ay Qaramada Midoobay sidaas u yeeleyso oo aan ka ahayn in ay dooneyso in ay kala qeybiso Isbaheysiga Dib u xoreynta iyo in ay daciifiso awoodda Kooxaha Mucaaradka, waana mashaakil laga abuurayo halkan iyo xagaba, waxaase laga yaabaa in aaney wax natiijo ah ka soo bixin waxyaabaha ay sameyeneyso Qaramada Midoobay oo aaney cidna dan ka lahayn.
Madaxweyne Isaias Afwerki oo ay marti u yihiin inta badan Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxaa uu sheegay in kacdoonka looga soo horjeedo Ciidamada Itoobiya ee taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya uu yahay Dhaqdhaqaaq shacabka uu taageero oo si aan xaq ahayn ay Mareykanka iyo Wadamo kale ay ugu tilmaameen argagixiso, “taasi waa qeyb ka mid siyaasadda cabsi-gelinta oo dadka loogu cag-jugleynayo oo loogu marmarsiyoonayo si qiil loogu sameeyo argagixisada, mareykanka wuxuu doonayaa in uu qiiq ku qariyo fashilka uu ku fashilmay arrimaha Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweyne Afwerki.
Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa Dowladda Eritrea ku eedeeya in ay sii hurineyso colaadda ka taagan Soomaaliya, iyadoo si gaar ah loogu eedeeyo in ay hubeyso kooxaha ka dagaalamaya Soomaaliya ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, wuxuuna Mareykanka mar ugu hanjabay Eritrea in uu ku dari doono Liiska Dalalka taageera Argagixisada.
Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki waxaa uu ku gacan seyray eedaha loo soo jeediyo Dowladdiisa, wuxuuna been iyo wax la dhoo-dhoobay ku tilmaamay in kacdoonka ka socda Soomaaliya uu yahay mid argagixiso ay ka dambeyso.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
