Arbaco, May 14, 2008(HOL): Qarax si weyn looga wada Maqlay Xaafadaha Magaalada Beledweyne ayaa xalay ka dhacay Xarunta Maamulka Gobalka Hiiraan oo fariisin u ah Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Itoobiya oo saacadihii aynu soo dhaafnay ka waday gudaha Magaalada Beledweyne howl-galo lagu sugayo Amaanka.
Qaraxa oo sida wararku sheegayaan ahaa mid ka dhashay Bam kuwa gacata laga tuuro ah ayaa sababay dhaawaca Qof rayid ah oo ka ag-dhawaa halkaa, mana jirin wax rasaas ah oo la maqlay markii uu Qaraxu dhacay kadib sida inta badan looga bartay Ciidamada marka ay jiraan xaaladaha foojignaanta.
Xafiisyada Xarunta Maamulka Gobalka Hiiraan oo ah halka hada fariisinka u ah Ciidamada Itoobiya ee jooga Magaalada Beledweyne ayaa u muuqneysa goob ka duwan sidii hore, looma ogola dhaq-dhaqaaqa dadka rayidka ah, sidoo kale mamnuuc ka ah in gadiidku is taago aga-gaarka xarunta si markaa Ciidamaddu ula socdaan dhaq-dhaqaaqa halkaa ka jira.
Qoysaska qaar ayaa bilaabay in ay ka barakacaan xafadihii ay ku noolaayeen kuwaa oo intooda badan kuwa jahan deegaanada ku dhaw dhaw Magalaada, iyaga oo ka cabsi qaba wax yeelo ka soo gaarta hadiiba uu dhaco iska hor'imaad dhaxmara Ciidamada Itoobiya iyo Xoogaga ka soo horjeeda.
Lakiin waxaa iyaguna jira Qoysas isla gudaha Magaalada u barakacay kuwaa oo ka soo wareegay Xaafadaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya islamarkaana u muuqda kuwo hubinaya sida xaaladu isku badasho, maadaama uusan jirin culeys sidii u sii badan oo ka taagan gudaha Magaalada.
Dadka qaarkii oo ay HOL kala sheekeysatay sida ay wax ula muuqdaan ayaa qaba in kaliya wax ay doonayaan ay tahay Nabad-galyo, iyaga oo intaa ku daraya in ay wanaagsanaan laheyd hadii ay jiraan Ciidamo soomaali ah oo ku wehliya kuwa Itoobiya howl-galada ka socda Magaalada, ''''Waayo taa waxaa ay ugu yaraan dadka ku dhiiri galin laheyd in ay ku sii nagaadaan goobaha ay degan yihiin.
Sikastaba Qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne ayaa la oran karaa waa mid sii xoojinaya shakiga dadku ka qabo Nabad-galyada Magaalada mar hadii ay qeybo ka mid ah wali ay ku sugan yihiin kooxaha ka soo horjeeda siyaasada Dowladda iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Qarax xalay ka dhacay Xarunta Maamulka Gobalka Hiiraan xilli ay ku sugnaayeen Ciidamo Itoobiyaan ah
More News
- Madawxweynaha Eritrea oo Qaramada Midoobay ku eedeeyay in ay kala jebineyso Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo iyagoo Quraac u waday Ciidamo kale Qarax lagula beegsaday nawaaxiga Isgoyska Towfiiq ee Magaalada Muqdisho
- Hoggaamiyaha Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta uga qeybgeleysa Wada hadallada Jabuuti oo beeniyay in aysan iska warqabin Xoghayahooda Gaashaandhigga
- Labo Nin oo xalay lagu dilay Magaalada Kismaayo