Arbaco, May 14, 2008(HOL): Hoggaamiyaha Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta uga qeybgeleysa Wada hadallada ka socda Dalka Jabuuti ayaa jawaab ka bixiyay hadal uu shalay sii daayay Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde kaasi oo ahaa in aan waxba lagala soconsiin wada hadallada uu Isbaheysiga ku jiro.
C/raxmaan C/shakuur oo ah Guddoomiye ku xigeenka Golaha Dhexe ee Isbaheysiga, isla markaana ah Hoggaamiyaha Ergada Wada hadallada uga qeybgeleysa Shirka Jabuuti ayaa sheegay in hadalka uu sii daayay Shiikh Yuusuf Indha Cadde uu ahaa mid aan u baahneyn in Idaacad laga sii daayo.
“Xoghayaha Gaashaandhigga haddii uu wax tabanayo waxaa laga rabay in uu mas’uuliyiinta Isbaheysiga la soo xiriiro oo uu u sheego waxa uu u arkayo in ay la qaldan yihiin ee ma ahayn in uu Idaacadaha ka hadlo”ayuu C/raxmaan C/shakuur.
C/raxmaan C/Shakuur oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in aaney waxba ka jirin in aan Shiikh Yuusuf Indha Cadde lala socodsiinin shirarka ay la leeyihiin Qaramada Midoobay oo midkii hore uu ka dhacay Nairobi, haatanna uu mid kale uga socdo Dalka Jabuuti, “Xiriir toos ah ayaa lala soo sameynayay Yuusuf, weliba waxaa la soo xiriirayay Shiikh Shariif Guddoomiyaha Isbaheysiga, taasina waa mid aan aniga hubo”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.
Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-Cadde oo shalay la hadlayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in aan waxba lagala socodsiinin wada hadallo ay xubno ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta kula yeesheen Nairobi iyo Djibouti Qaramada Midoobay, isagoo ku baaqay in shirkaas uu yahay mid aan dan ugu jirin dadka Soomaaliyeed oo sida uu u yirina lagu dhabar jebinayo halganka ka socda dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia