Arbaco, May 14, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in xalay magaaladaas lagu dilay labo nin oo Rayid ah, kuwaasi oo uu toogtay Nin Qori ku hubeysnaa.
Labadan Nin ee la dilay ayaa mid ka mid ah waxaa ay wada dhasheen ninka dilka geystay, waxaana sababta dilkaas keentay lagu fasiray iyadoo uu muran u dhaxeeyay ninka dilka geystay iyo midka ay wada dhasheen ee uu dilay.
Falkan dilka ah oo ay si weyn uga xumaadeen Dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo, gaar ahaan xaafadda Aargada oo uu dilka ka dhacay ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo maalmahan uu sii xumaanayay Ammaanka magaaladaas oo aan in muddo ah lahayn maamul xooggan oo wax ka qabta amni darrada jirta.
Ma ahan markii ugu horeysay oo uu magaalada Kismaayo ka dhaco fal dil ah oo ay geysteen rag hubeysan oo aano qabiil wax u dilay ama siyaabo kale, waxaana taasi ugu wacan iyadoo uusan Magaalada Kismaayo ka jirin wax maamul ah, isla markaana ay gudaha magaalada ku sugan yihiin dhalinyaro badan oo aad u hubeysan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia