Magaalada Beledweyne oo saaka ku waabariisatay Ciidamo Itoobiyaan ah

Isniin, March 03, 2008(HOL):  Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Itoobiya ayaa saakay markii uu waagu baryay waxaa mar kaliya lagu arkay wadooyinka waa weyn ee bartamaha Magaaladda Beledweyne iyagoo raxrax u socda, taas oo inta badan ka yaabisay dadka ku dhaqan gudaha Magaaladda oo bilihii aynu soo dhaafnay aan in dhaha ka qaadin Ciidamo Itoobiyaan ah oo intaas la eg, isla markaana gudaha magaalada ku sugan.
 
Isgosyada Magaaladda Beledweyne ayaa qaar ka mid ah Ciidamadan lagu arkayaa iyagoo ilaalo ka haya, halka kuwo kalena dhaxlugeynayaan Xaafadaha Magaaladda Beledweyne, waxaana sidoo kale saacado hore la sii xiray Buuntadada Liiq-liiqato ee kala barta Magaalada.
 
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan u jeedada ka dambeysa soo gelitaanka Ciidamada ee gudaha Magaaladda Beledweyne, laakin warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in kulamo ay leeyihiin Saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo waliba Mas'uuliyiinta Maamulka Gobalka Hiiraan si markaas looga wada shaqeeyo arimaha Nabad-galyadda.
 
Sidoo kale waxaa ay wararku intaas ku darayaan in Saraakiisha Itoobiyaanku doonayaan in Awoodda Nabad-galyo ee Gobolka in lagu wareejiyo Ciidamdda Itoobiya iyo kuwa ka tirsan Mileteriga Dowladda Federaalka kadib markii bilihii aanu soo dhaafay xaaladda Nabad-galyo ee guud ahaan gobalka ay ahayd mid aan la isku haleyn karin.
 
Ciidamadda saakay soo galay gudaha Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin kuwo dhawaan ka yimid magaalada Muqdisho oo hadda fariisin aan rasmi ahayn ka sameystay Deegaanka Janta-Kuundisho ee duleedka Magaaladda Beledweyne kadib markii ay ka soo laabteen dhinaca Degmadda Dhuusa-mareeb ee Gobalka Gal-gaduud, inkastoo haddana isla qeyb kale oo ka tirsan Ciidamadan u gudbeen dhinaca Degmadda Caabud-waaq ee isla Gobalka Gal-gaduud.
 
Magaaladda Beledweyne iyo guud ahaan gobalka Hiiraan ayaa la oran karaa marka laga soo tago caasimadda Muqdisho waa halka ay ka dhacaan weerarrada ugu badan ee looga soo horjeedo Ciidamada Itoobiya iyo nidaamka Dowladda Federaalka, taas oo keentay in marar badan weerarro lagu qaado Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka kuwaasoo dhamaantood sababay dhimasho iyo dhaawac.
 
C/raxamaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia