MAXAMED XASAN XAAD: “Bililiqadii loo geystay Suuqa Bakaaraha waxay ahayd qoshe in muddo ah la maleegayay, waxaana leeyahay shacabka haka tashado arrintaas”

Isniin, March 03, 2008(HOL): Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa ka hadlay bililiqadii ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ka geysteen Suuqa Bakaaraha, wuxuuna sheegay in arrintaas ay ahayd mid in muddo ah la qorsheynayay.

“Bililiqadii loo geystay Suuqa Bakaaraha waxay ahayd qoshe in muddo ah la maleegayay, waxaana leeyahay shacabka haka tashado arrintaas” ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo sheegay in ay cambaareynayaan dadkii ka dambeeyay bililiqadii loo geystay Suuqa Bakaaraha.

Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho horay loo barakiciyay, haatanna loo soo dhigtay in hantidooda la dhaco, wuxuuna mas’uuliyadda arrintaas dusha u saaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Itoobiyaanka ee Muqdisho ku sugan.

“Shacabka oo la dhaco oo madaafiic lagu garaaco dowlad laguma noqdo, sidaas darteed waxaan leenahay meesha dowlad kama jirto ee waxaa jooga dad doonaya in ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.

Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa uu baaq u diray Xubnaha labada gole ee Dowladda ugu jira Beesha Hawiye, kuwaasi oo uu ugu baaqay in ay Dowladda isaga baxaan haddii aysan ka hadleynin dhibaatada ay Ciidamada Dowladda u geysanayaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ay metelaan.

Hadalka Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed XasanXaad ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bililiqo ka geysteen Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia