Diyaarad uu leeyahay Mareykanka oo xalay duqeysay Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose

Isniin, March 03, 2008(HOL):  Wararka naga soo gaaraya Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubba Hoose ayaa sheegaya in xalay abaara 3:20am ay labo gantaal ku dhaceen Degmadaas, xili ay dadkeedu hurdeen.

Xiriir aan la sameynay Goob-jooge  ku sugan Degmada Af-madow oo ka gaabsaday in aan magaciisa sheegno ayaa wuxuu HOL u sheegay in gantaalada ku dhacay Degmada Dhoobley ay soo tuurtay diyaarad uu Mareykanka leeyahay oo nooca AC130 ah, taasi oo  muddooyinkan dul heehaabeysay Deegaano ka tirsan Gobolka Jubba Hoose.

Labadan Gantaal oo ku dhacay guri ku yaala gudaha Degmada Dhoobley ayaa wuxuu geystay dhaawac soo gaaray 3 ruux oo jiifay guriga uu ku dhacay banaankiisa, iyadoo sidoo kalena ay waxyeello ka soo gaartay Gantaalladaas  xoolo lagu xanaaneynayay meel aan u dheereyn halka uu gantaalkaas ku dhacay.

Goob-joogahani wuxuu intaas ku daray in intii aysan Diyaaradda gantaalka ku dhufan Degmada  ay sii deysay ileys magaalada oo dhan ka dhigay maalin oo kale, iyadoo kadibna labadaas gantaal ku dhufatay guriga ay dadka ku dhaawacmeen, iyadoo halkii ay gantaalladaas ku dhaceena ay ka qodmeen godad waa weyn.
 
Dadka Degmada Dhoobley ayaa haatan xaaladdooda waxay tahay mid caksan, waxayna dadka qaarkood bilaabeen in ay qaxaan, halka kuwo kalena ay weli ku sii adkeysanayaan in ay sii joogaan iyadoo weli ay dushooda ku noqnoqoneyso diyaaraddii xalay gantaalaha ku dhufatay.

Horaantii sanadkii aynu ka soo gudubnay ee 2007 ayay ahayd markii Diyaarado uu Mareykanka leeyahay ay duqeeyeen deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan Dhul Howd ah oo loogu sheegay  in ay galeen xubno ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka ee laga saaray deegaanadii ay ka talinayeen ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, walow ay duqeyntaas ku baaba’een dad xoolo dhaqato ah iyo xoolahoodi oo ku sugnaa dhulka howdka ah ee ay Diyaaradaha duqeeyeen.

Duqeynta xalay loogu geystay Degmada Dhoobley ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo dhawaan uu Degmadaas ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamo gacanta ku haya Degmada oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen Maxkamadihii Islaamka iyo Maleeshiyo Beeleedyo iyana deegaanka ah, kuwaasi oo uu dagaalkooda salka ku hayay dil ka dhacay Degmada, kaasi oo ay geysteen Ciidamada Degmada Dhoobley gacanta ku haya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia