Isniin, March 03, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa qiray in Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bililiqo ka geysteen Suuqa Bakaaraha, wuxuuna arrintaas ka bixiyay cudurdaar.
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo u waramayay Laanta Afka ee Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu sheegay in markii uu soo gaaray warka ku saabsan in bililiqo ka dhacday Suuqa Bakaaraha uu shir deg deg ah isugu yeeray xubnaha Golihiisa Wasiirrada iyo Taliyayaasha Ciidamada Dowladda Federaalka, ugu dambeyntiina shirkaas lagu magacaabay guddi soo baara bililiqadii ka dhacday Suuqa Bakaaraha, si ciddii ku kacday sharciga loo hor-geeyo.
“Waan ka xunnahay bililiqadii ay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ka geysteen Suuqa Bakaaraha, waana ka cudur-daaraneynaa dhibaatadii dhacday”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in ay jiraan Dad loo soo xiray bililiqadii ka dhacday Suuqa Bakaaraha, isla markaana sharciga la hor-geeni ciddii kale ee ay arrintaas ku cadaato.
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay ciidamada dhibaatada geysteen kadib markii gudaha Suuqa Bakaaraha ay weerar uga soo qaadeen sida uu u yiri Kooxaha Dowlad-diidka ah, wuxuuse sheegay in ay mar kasta qalad ahayd in ay Ciidamada bililiqo geystaan.
Mar wax laga weydiiyay waxa ay iyana galabsadeen Idaacado ku yaala Suuqa Bakaaraha oo iyana laga qaatay qalabkii ay ku shaqeynayeen waxaa uu sheegay in uu warkaas soo gaaray intii ay shirka u fadhiyeen,wuxuuna caddeeyay in arrintooda loo saaray guddi soo baara, “Sax ma ahayn in qalabkii ay ku shaqeynayeen laga qaato oo howshooda hakad la geliyo Idaacadahaas”ayuuna yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Bililiqadii ka dhacday Suuqa Bakaaraha ee ay geysteen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa loo saaray guddi heer Wasiir ah, kaasi oo soo baari doona bililiqadii ka dhacay Suuqaas iyo weliba Ciidamadii iyo Saraakiishii ka dambeeyay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia