Khamiis, March 27, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in ay degmadaas ku sugan yihiin Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Cumar Jaandhaay.
Mas’uuliyiinta labada Gobol oo ka kala tegay Degmooyinka Beledweyne iyo Jowhar, isla markaana Ciidamo badan iyo Gaadiid dagaal wata ayaa markii ay fariisimadooda ka baxayeen waxay sheegeen in ay u socdaan in ay la dagaalamaan kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka oo ku sugan Deegaanno ka tirsan labada Gobol.
Ciidamada uu watay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in xili ay socdeen Deegaanka Ceel Dheer oo u dhaxeeya Degmada Buulo Burte iyo Deegaanka Halgan ay dagaal iskala horyimaadeen Kooxo hubeysan, halkaasina uu ka dhacay dagaal waqti kooban socday, dagaalkaas kadibna waxay wararku nagu soo gaarayaan in gaari ay ciidamo saarnaayeen oo la socday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ay la kacday Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago, wuxuuna qarax ka dhashay miinadaas uu sababay geerida Hal Askari iyo dhaawaca Seddex Askari oo kale.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Degmada Buulo Burte-na waxay sheegayaan in haatan Hotel ku yaala Degmadaas ay ku shirsan yihiin mas’uuliyiinta labada gobol, iyadoo magaaladana ay gees walba ka joogaan ciidamo ay wataan Yuusuf Dabageed iyo Axmed Jaandhaay.
Si kastaba arrintu ha haatee, Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ayaa waxaa marar kala duwan waqti kooban la wareegay ciidamo la sheegay in ay ka amar qaataan maxkamadihii Islaamka, kuwaasi oo magaalooyinkaas ku qabsaday dagaal wax yar socday.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia