Khamiis, March 27, 2008(HOL): Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa wuxuu warsaxaafadeed ka soo saaray dib u heshiisiinta ay ku baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Warsaxaafadeedkan oo uu soo saaray Xafiiska Warfaafinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dib u heshiisiinta ay ku baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay mid aan dhab ahayn, isla markaana ay tahay mid la doonayo in shacabka Soomaaliyeed loogu muujinayo rajo been ah.
“Waxaa idinku habooneyd in aad qirataan sida aad ugu fashilanteen shir ku sheegii aad been abuurteen ee aad ku sheegteenin Shir dib u heshiisiineed lagu qabtay Muqdisho sandadkii tegay, bulshadana u soo celisaan wixii hanti ahaa ee aad ku lunsateen” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
Isbaheysiga waxaa uu sheegay in Istaraatiijiyadda dib u heshiisiineed ee ay soo bandhigtay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay mid aaney ku jirin wax cusub oo wax ka soo qaad leh, hayeeshee waxa kaliya ee ay dooneyso ay yihiin wada hadal aan waxqabad lahayn, waa sida ku xusan warsaxaafadeedka ka soo baxay Isbaheysiga.
“Bulshada Soomaaliyeed ee la baneystay dhiigeeda, hantideeda iyo karaamadeeda marnama uma dhadhamayso, danna uma aha in ay wada hadal la gasho cid u adeegeyso nin dadkiisii har iyo habeenba hortiisa lagu xasuuqayo, laguna burburinayo hantidooda, xoolahoodana la dhacayo, sidaa darteed Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya marna suuragal uma aha in uu Ummaddiisa u qaado wax lagu dagayo” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka uu soo saaray Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
Dhanka kalena, Isbaheysiga waxaa uu warsaxaafadeedkiisa ku soo hadal qaaday dadaalka dhexdhexaadineed ee uu Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ka dhex wado Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda, wuxuuna sheegay Isbaheysiga in uusan ergayga dooneynin inuu si hoose ugu daadego xaqiiqda ka jirta Soomaaliya.
“Waxaa ku haboon Danjire Ahmedou Abdallah inuu ka hadlo xadgudubyada lagu hayo shacabka Soomaaliyeed iyo Xaaladda gumeysi ee uu ku sugan yahay dal beri xubin ka haa hay’adda uu Wakiilka uga yahay Soomaaliya , waana in uu arrintan ka soo galo iridda saxda ah haddii uu doonayo in lagu dhegeysto dhego furan” ayaa lagu soo gebagebeeyay warsaxaafadeedka uu soo saaray Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee fadhigiisu yahay magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia