Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ku sugnaa inta u dhaxeysa Deegaanka Ceel Jaalle iyo Degmada Marka oo halkaas isaga baxay

Khamiis, March 27, 2008(HOL): Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee maalmahan ku sugnaa inta u dhaxeysa Deegaanka Ceel Jaalle iyo Degmada Marka ee Xarunta u ah Gobolka Shabeelaha ayaa lagu soo waramayaa in ay saaka barqadii halkaas isaga baxeen.

Ciidamadan oo watay oo gaadiidka dagaal iyo kuwa Saadka iyo Ciidamada qaada ayay wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka sheegayaan in ay u dhaqaaqeen dhinaca Degmada Qoryooley ee isla gobolka Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah.

Ciidamadan isaga baxay Inta u dhaxeysa Magaalada Marka iyo Deegaanka Ceel Jaalle ayaan wax dhibaato ah u geysan dadka ku nool meelihii ay ku sugnaayeen, iyadoo Ciidamadana aan wax dhibaato ah loo geysan.
 
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Shiikh Maxamed Nuur ayaa markii ay Ciidamada Itoobiyaanka gaareen Degmada Marka wuxuu dadka ugu baaqay in aysan wax dhibaato ah u geysan Ciidamada Itoobiyaanka, isagoo sheegay in Ciidamadana aysan dhibaato u geysan doonin Dadka ku dhaqan Magaalada Marka.
 
Ciidamadan Itoobiyaanka ah ee ka baxay Magaalada Marka iyo nawaaxigeeda oo ay la socdaan Ciidamo Soomaali ah ayaan la ogeyn in ay dib ugu soo noqon doonaan deegaannada ay ka baxeen iyo in ay isaga wada tageen.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamadan Itoobiyaanka ah ee gaaray Degmooyinka Marka iyo Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo aan la ogeyn ujeedada ay halkaas u tageen ayaa hadana waxaa jira warar sheegaya in ay baadi-goob ugu jiraan kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo loo sheegay in ay ku sugan deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia